“Waxaa Ifarxad Gelinaysa Horrumarada Is-dabajoogga Ah Ee Ka Gobol-ahaan Ku Talaabsanay”

0
597

Gabiley (Hargeisa Press) – Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa guul weyn ku tilmaamay maashaariic kala duwan oo ay ka maamul ahaan ka hirgeliyeen gobolka Gabiley, qaarna ay xadhiga ka jareen iyo qaar cusub oo ay dhagax dhigeen.

Badhasaabka oo ka hadlay mashaariicdaasi horrumarineed ee ay qaarna xadhiga ka jareen, kuwo kalena dhagax dhigeen, ayaa sheegay in mashaariicdaasi ay anfaci doonaan dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo badan oo gobolka Gabiley ka mid ah.

“Sharaf iyo guul waxtar leh ayay inoo tahay in aan maanta wada jir xadhigga ugu jarno, dhagax na dhigno, Dhaamam iyo Ceelal biyood anfaci doona dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo badan oo Gobolka Gabilay ka mid ah.

ILINTA oo ku taal Galbeedka gobolka waxaan ka daah-furnay Dhaamka waxtar u leh bulshadda.

IJAARA oo ku taal Koonfurta gobolka Gabiley waxaanu ka dhagax dhignay dhaam wayn. Halka Ceel-biyood na aan ka dhagax-dhignay degaanka Ceel-Xaddi oo Waqooyiga gobolka Gabiley ku taala”. ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Geesta kale, Badhasaabka Gabiley, ayaa tilmaamay inay isaga si gaar ah u farxad gelinayso mashaariicda wax ku oolka ah ee sida is daba jooga ah gobolka uga hirgalay.

Cabdiqani Jiidhe, waxa uu sheegay in horrumarka dhinaca biyaha ee ka hirgalay gobolka Gabiley ay dhawaan meesha ka saarayso baahi kasta oo biyaha ah oo hore gobolka uga jirtay.

Waxaanu yidhi, “Biyaha oo tiirka koowaad ee noolaha dhammaantiis ah, ayaa i farxad gelinaysa horrumarada is daba-joogga ah ee ka gobol ahaan aynu ku talaabsanay. 

Waxaanan rejaynnayaa dhawaan in guud ahaan ilaa xad aan hoos u dhigno ama aan meesha ka saarno baahi kasta oo biyo ah”. 

“Waxaana qaddiyaddan asaaska u ah nolasheenna ahmiyadda weyn ee ay siiyaan ku bogaadinayaa, xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaanka inoogu yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo guulo waaweyn qarankan JSL u horseeday” ayuu yidhi Badhasaab Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here