Markuu Ilaahay Guul Kula damco , dadkeediibuu ku siiyaa. Qallinkii Mohamed-Maarshaal Abdi Kariim

0
980

HargeisaPress —Saddexda xisbi qaran, waxay u tartameen Qancinta, la doodidda iyo ka jawaabista sualaaha maangalka ah ee Ahmed ismail samater , Waxa qanciyay Xisbiga Kulmiye iyo hoggaaminta Muuse biixi ee ku dhisan, aragti dheerida, Hadal cadaanta, waayo aragnimada, hiraal fogaanta, daacadnimada iyo go’aan qaadashada kadib markay soo hor dhigeen siyaasad fur furan.

 

Ahmed ismail Samater waa aqoonyahan, waa cilmi baadhe, aragtiyo siyaasadeed oo mugwayna xambarsan, doorashadiisa ah inuu kulmiye ku biiro si loo helo bulsho badhaadha oo barwaaqowda, waxay fariin u tahay inta badan aqoonyahanka siyaasada dibada ka daawada ee aan wali doooran xisbi ay ku biiraan iyo inta ku kalsoon karti iyo aqoonta ahmed ismail samatar oo ay u arki doonaan inuu u sahamiyay halkii ugu haboonayd ee dalkan wax ka tari lahayd kuwaas oo ah ardayda jaamahdaha.

13428490_10153959876059442_3843673414212704793_n

Hoggaamiyaha guulaystaa, waa ka haysta baalal iyo garabyo uu ku duulo, wada lahaanshiyaha xisbina waa ka la doodo, la isna qanciyo, Kulmiye waa halka foolaad aragii, miidkii iyo dheecaankii umadu uu ku soo hoobanayo,

 

Waxaa xisbiga kaliya ee korniin siyaasadeed oo xisbi sameeyay, kulmiyayna sida magaciisu ka markhaati kacayo darafyada dalka oo dhan, waxa ku dhan intii talo galeenka ahayd ee gobol iyo dagmo walba oo qarankeenan Somaliland ah.

13418936_10153959872834442_2213049451526391962_n

Ku soo biiristiisa Xisbiga kulmiye waxay farxad galisay Gobolada dalka oo dhan, waxaanan ka markhaati kacayaa, shucuurtii, raynrayntii, mashxaradihii iyo alalaskii ay goob walba ku qaabilayeen bulshooyinka Gobolada Gabiley Iyo Awdal, oo aad dareemaysay inay wax wayn ka badashay guud ahaan jawi siyaasadeedkii xisbiga.

 

Ugu dambantii waxaan leeyahay ku soo dhawoow, xisbiga horumarka, midnimada iyo cadaalada, waad sahamisay, waxanad geediga furtay halkii ugu haboonayd ee aad wax ka tari lahayd qarankan, taladaada iyo tusaalahaaguna ka socon lahaa.

 

Mohamed-Maarshaal Abdi Kariim

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here