Shirweyne Uma Baahna, Musharaxnimada Jamal Ali Hussein Oo Waa Mid Sharciya, Si Waafaqsan Xeerka Ucid.

0
954

HargeisaPress —Kulankii lagu qabtay Xarunta Gudida Diiwaangalinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka, ee ahayd Dhagaysiga Qareenada Dacwada Labada dhinac ee Xisbiga Ucid. Ayaa qodobka ugu wayn ee Qareenada u Doodayay Faysal A. Waraabe, ay cuskadeen wuxuy ahaa in Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen u baahantahay in Shirweyne lagu ansixiyo, Sidaas darteed aanu sharci ahayn musharaxnimadiisu mar hadaan shirweyne la qaban.

 

Hadaba anigoo arintaas ka duulaya waxaan jeclaystay inaan bulshada iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid u iftiimiyo Qodobada Xeerka ucid ee qeexaya qaabka loo marayo doorshada Musharaxiinta iyo cida iska leh awooda ansixinta Musharaxiinta M/weyne iyo Ku/xigeen. Sidoo kale waxan barbar dhigay Awoodaha iyo Waajibaadka Shirweynaha. Si loo fahmo in Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen tahay mid sharci ah si waafaqsan Dastuurka Ucid.

 

XEERKA XISBIGA UCID

QODOBKA 27AAD: MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN

Xarafka 1 aad

Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen waxa dooranaaya Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Xarafka 2aad

Murashaxnimadda Jagooyinka Madaxweyne iyo ku xigeenka iyo xubinamadda hogaanka sare ee Xisbigu way kala madax banana yihiin.

Xarafka 3aad

Xubina looma sharaxi karo Musharax Madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

QODOBKA 16AAD: HAWLAHA GOLAHA DHEXE

Xarafka 9aad ‘ Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyadda uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale (dhinaca Kale)

Xarafka 10aad

Golaha Dhexe wuxu u Codaynayaa cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

HADABA SHIRWEYNAHU MUXUU QABTAA. MAXAY TAHAY WAAJIBAADKIISA SHAQO.

QODOBKA 14 AAD: AWOODAHA IYO WAAJIBAADKA SHIRWEYNAHA.

 

  1. Shirwaynuhu waxaa uu dooranayaa Gudoomiye, Gudoomiye xigeenka koowaad, ka labaad, ka sadexaad, Xoghayaha guud iyo ku xigeenka xoghayaha guud shantii sanaba mar.
  2. Waxaa kale oo uu dooranayaa xubnaha golaha dhexe ee banaanaada ama cusub ama wuxuu u wakiilanayaa cidda awood uu u siiyo.
  3. Shirwaynuhu wuxuu ansixinayaa xeerka iyo barnaamijka hogaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo go,aamada ay usoo gudbiyaan golaha dhexe iyo gudiyada fulinta isaga oo habaynaya siyaasada guud ee xisbiga.
  1. Waxaa uu ka doodayaa warbixinaha loo soo gudbiyo iyo ajandayaasha loo soo diyaariyo isaga oo eegaya xaalada lagu horumarinayo hawlaha xisbiga, islamarkaana qiimaynaya warbixinaha loo soo gudbiyo, Waxaana uu go’aan ka soo saarayaa arimahaasi laga dooday.
  2. Waxaa kale oo uu qiimaynayaa howlqabadkii gudida fulinta mudadii ay xilka haysay, wixii u qabsoomay, wixii qabsoomi waayay, sababta ay u qabsoomi wayday iyo sida loo xallinayo.

 

 

Ilaahay Xaqa Hayna Garansiiyo

Ramadan kariim.

Mohamed Gacayte.

Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Ucid

Gacayte09@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here