Mareeyaha Dekedda Berbera Oo Lagu Amaanay Horumarinta uu Ku Sameeyey Adeegyadda Dekedda + SAWIRRO

0
945

Berbera , (HargeisaPress) —Qaar ka mid ah xildhibbaanada golaha deegaanka degmada magaalada Berbera iyo weliba sida oo kale salaadiinta iyo cuqaasha ka soo jeeda  gobalka Saaxil, ayaa maareeyaha dekadda magaalada Berbera Inj.Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor) ku boggaadiyey sida oo kalena ku hambalyeeyey ballaadhinta, casriyeynta, dib-u-habeynta iyo horumarka ka socda dekadda magaalada Berbera, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ballaadhinta uu ka wado barxadda Wajaale ee dekadda Berbera ay tahay horumar-weyn oo u soo kordhay guud ahaan qaranka Somaliland isla mar ahaantaana fududeynaysa siddii dekadda Berbera ay ula tartami lahayd dekadaha caalamiga ah ee dalalka horumaray.

1681cf0c-2013-4918-8cd1-f0cdbb8ff5d5

Waxaana ay sidan ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil, iyaga oo tilmaamay in Maareeye Cali Xoor Xoor uu horumar ballaadhan ka geystay dekadda Berbera muddadii uu hayey xilka dekaddaasi.

 

“Dekadda Berbera waa dekad la jaan-qaadi karta dekadaha kale ee caalamka, waana runtii dekad horumarkeedu uu aad u ballaadhan yahay, muddadii uu joogay Maareeye Cali Xoo Xoor-na wax badan ayuu ka qabtay dekadda, oo ay ugu dambeyso mashruuca ballaadhinta dekadda ee wajaale, horumarka baaxadda leh ee ka socda dekadda waxa aanu ku boggaadinaynaa Maareeye Cali Xoor Xoor oo noqday Maareeyahii abid ugu wax-qabadka badnaa ee soo mara dekadda Berbera.”.Xildhibbaan Aadan Axmed Cali

f3dfd6ac-3d67-4333-a8ec-b2bf390a9bad

Suldaan Maxamed Axmed Ismaaciil oo isna ku hadlaayey afka salaadiinta iyo cuqaasha gobalka Saaxil oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka ka socda dekadda Berbera, waxaana uu Maareeye Cali Xoor Xoor ku tilmaamay halyeygii ugu horreeyey ee wax-qabad la taaban karo ka geystay guud ahaan dekadda magaalada Berbera.

db7f0610-e6dc-466f-bb12-750a6ff86a5d

“Maareeyahu waxa uu ballaadhin ku sameeyey dekadahii hore ee ay innoo sameeyeen Ajaanibku, isaga oo dhisay dekadda ka baaxad weyn kana ballaadhan kuwaa hore oo runtii qaadi karta illaa 20,000 oo Kontiner, waxaana ay suurto-gelin kartaa in ay ku soo hirtaan daneeyeyaasha caalamka, maareeye garabkaaga ayaanu nahay, halyey ayaad tahay noo horseeday horumar iyo nidaam wanaagsan ee halkaa ka sii wad annaguna waanu ka dabba joogaynaa haddii Eebe qadaro e’.”.Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Axmed Ismaaciil oo ku hadlaayey magaca madax-dhaqameedka gobalka Saaxil

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here