Madaxwaynaha Somaliland Oo Dalacsiiyay Abaal Marin Dheeraadana GudoonSiiyay Askari Naftiisa U Huray Badbaadinta Nafaha Dad Dhawaan Daad Ku Qaaday Degmada Dila + SAWIRRO

0
1026

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta darajada u dalacsiiyay abaal marin dheeraadana gudoonsiiyay askari 6 bishan lagu guda jiro naftiisa u huray badbaadinta nafaha 7 ruux oo dhawaan daad fatahaado  sababay uu ku qaaday degmada dila ee gobolka awdal.

 

Waxaana askariga oo ka tirsan ciidamada booliska Somaliland isla markaana naftiisa u biimeeyey badbaadinta dadkaa daadku qaday lagu magacaabaa laba xadhigle Maxamed Barre.

068772d4-6ce9-4863-a2f7-8847997a75ff

Waxaana madaxwaynuhu dalacsiyay hal xidig isaga oo askariguna hada kamid noqday saraakiisha ciidamada Somaliland.

2ae632ce-4e26-451a-aaf5-510215da7014

Munaasibadan lagu dalacsiinayay askariga ayaa waxa kasoo qayb galay madaxwaynaha Somaliland, xubno wasiiro ah, saaraakiisha ciimada iyo waliba taliska guud ee ciidamada booliska Somaliland.

7234a2f8-095d-4f6e-9b39-5b46c8398128

Cabdilaahi Fadal Imaan taliyaha ciidamada booliska Somaliland ayaa isagu ku tolay darajada la dalacsiiyay askarigan isaga oo ku dhiiri galiyay askariga inuu halkaasi kasii amba qaado shaqada uu qaranka u hayo, sidoo kalena waxa uu uga mahadceliyay sida uu u badbaadiyay nafaha dadkaa daadku qaaday.

646704f3-6aa9-4ea1-97ef-8aa91f401c4c

Madaxwaynaha Somaliland  mudane Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” oo isna munaasibadaa hadal kooban kasoo jeediyay ayaa ugu hambalyeeyey askariga shaqada daacadnimada ah ee qaranka uu u hayo isaga oo ku dhiiri galiyay inuu halkaas kasii amba qaado.

2c6881d7-5502-4bf3-9edb-c8458f4a140b

Talaabadan uu maanta madaxwaynuhu ku dalacsiiyay laba xadhigle Maxamed Barre ayaa waxay dhiirigalin buuxda u noqonaysaa ciidamada kala duwan ee Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here