Magacyada 10 Masuul Oo Ka Kala Socda Dawladaha Somaliland Iyo Somaliya Oo Uga Qayb Galaya Wada Hadalada Ka Furmaya Dalka Turkiga Iyo Ajandaha Wajiga Hore Ee Kulamada

0
932

Istanbul (HargeisaPress) —Warbaahinta Somaliland gaar haan wargeyska Geeska Africa  ayaa helay warar dheeraad ah oo la xidhiidha xogtii uu cadadkiisii shalay ku soo bandhigay ujeedooyinka lala xidhiidhinayo safarka ay dalka Turkiga ku tageen wasiirro ka socda Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahayd in la doonayo in ay dhacaan kulamo astaan u noqda dib u bilabashada kulamadii labada dhinac ee wada hadallada oo muddo sannad ka badan hakad ku jiray.

 

In kata oo uu Wargeyska Geeska Afrika warkiisaa shalay ku sheegay laba wasiir oo dhinaca Somaliland ka tegey iyo inta la og yahay wasiirka arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, waxa hadda loo xaqiijiyey in tirada masuuliyiinta labada dhinac ka socotaa ay intaas ka badan tahay, waxa aanu helay magacyada qaar ka mid ah masuuliyiintaas ka tegey labada dhinac oo kala ah:

 

Somaliland:

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Cabdi Xaashi

La-taliyaha wasiirka arrimaha dibadda Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan

Maxamuud Cabdi Xaamud (Maxamuud Nine, siyaasi hore xilal u soo qabtay)

Xasan Khaliif oo ah aqoon yahan ka tegey magaalada London.

Soomaaliya:

Wasiirka arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe

La-Taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cali “Doodisho”

Madaxii hore ee Laanta Afsoomaaliga ee BBC, Yuusuf Garaad Cumar.

Xuseen Cilmi oo ah aqoonyahan

 

Wararka uu Geeska Afrika helayo ayaa sheegaya in wufuuddan Somaliland iyo Soomaaliya ay ku degeen magaaladA Istanbul isla markaana ay u furmeen kulan-hawleedyo u muuqaal eeg aqoon-is-weydaarsi oo bilowga hore lagu sheegay in ay yihiin hab ay labada dhinac isku dhaafsanayaan aqoon iyo doodo culmiyeed la xidhiidha taariikhda Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Geeska Afrika looma xaqiijin in kulamadan hor-dhaca ah ay ka qaybgalayaan xubnaha wasiirrada ah ee labada dhinac ka socda, waxase jira in qaybaha dambe ee kulamadani ay yeelan doonaan weji Siyaasi ah oo ay si buuxda uga qayb geli doonaan si wada hadalladii labada dhinac loo furo.

 

Masuuliyiinta Somaliland ee u safartay ka qaybgalka shirkan Turkiga ayaa aanay illaa hadda dawladda Somaliland war rasmi ah ka soo saarin, taas oo aan hore u dhici jirin marka ay shirar noocan ah xukuumaddu la yeelanayso Soomaaliya, waxa kale oo Geeska Afrika loo xaqiijiyey in aan xisbiyada siyaasadda ee mucaaradka ah lagu wargelin kulamada, sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Inj. Faysal Cali Waraabe oo hore loogu daray guddida wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa aan imika ku jirin masuuliyiinta wada hadalladan u tegey dalka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here