Magaalada Berbera Oo Si Wayn Looga Xusay Maalinta Qaranimada Somaliland Ee 18 May + SAWIRRO

0
878

Berbera, (HargeisaPress) —Magaalo Xeebeeda Caasiimada Gobolka Saaxil ayaa looga dabaaldegay laba farxadood oo is huwan, Munaasibada 18 may oo ah maalin qarankan Somaliland ku qaali ah ayaa saaka looga Dabaaldegay Magaaladaasi, Munaasibadan oo lagu qabtay Kadib socod ay Ciidamada Qaranka, Boolisku ku mareen wadooyinka waaweyan ee Magaalada Barxada weyan ee ka horaysa saldhiga dhexe ee Booliska ayaa waxaa ka qayab Galay Wafti ka socday Golaha Wasiirada oo uu hor kacayey Wasiirka Gaashandhigu, Maamulka Heer Gobol ee Xisbiyada iyo Xukuumada, Dadweynaha Reer Berbera iyo Fanaaka BK.

bbbj

 ber 2

ber 3

13177153_1078988945480000_3105683892694961047_n

Masuuliyiintan kala duwan ayaa halkaasi Dadweynaha uga soo jeediyey fariimo nabada lagu xoojinaayo iyo Maalinta Qaranka Taariikhdeeda, sidoo kale Masuuliyiintu waxa ay tilmaameen in ay manta la wadaagayaan farxada labaad ee ah guusha Somaliland u soo hoyatay, gaarahaana Reer berbera Heshiiska Uu Madaxwenuhu la Soo galy dhawaan Dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

13254284_1078989188813309_7534138272418144486_n

13241333_1078989238813304_4603819336334057850_n

bbb

bbbk

Dareenka dadweynaha Reer Berbera ayaa ahaa mid ka duwan sidii hore, oo dhamaan 18 may-da ka sokow waxa ay ku faaraxsaanaayen Guusha heshiiska Taariikhigaa ah ee Maalgalinta Dekeda iyo Goobaha Dalxiiska ee Madaxweynuhu la soo galay Dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo ay filayaan in uu wax weyan ka badalidoono Mustaqbalkooda.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here