“Madaxweynuhu siduu hadalka uu yidhi iyo sida loo turjumay ayaa kala fog”…

0
495

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  xildhibaan   Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa si adag uga hadlay  dilalka mudooyinkan danbe ku soo badanayay ee  loo gaysanayay askarta ka tirsan ciidamadda Somaliland.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa,  waxa kaloo uu sheegay in si khaldan loo turjumay  hadalkii madaxweyne  Muuse kaga hadlayay askarigii ugu danbeeyay ee todobaadkii hore lagu dilay degmada Ceel-afweyn.

Waxaanu bulshadda degaamadaasi xasuusiyay in aanay jirin haba yaraatee wax dhibaato ah  oo ay dadka shacabka ah u  gaystaan ciidanku, waxaanu xusay in ciidamadu ay ka shaqaynayaan nabadgeliyadda dadka degaamadaasi.

Waxaanu yidhi “Dul-qaadka shakhsiga  ahi, waa gobanimo. Laakiin, dul-qaadka xukuumadda ah ee    sharciga ah, dawladnimada oo dhacdooyin fool xun oo dhacay ah, oo laga indho qarsado,  waa dhaliil.

Markaa dul-qaadka uu sheegayo madaxweynuhu ma aha ka shakhsiyadiisa ah,  ee waa dul-qaadka xukuumadda ee   sharciga  la  fulin waayo, ayuu ka hadlayay madaxweynuhu. Madaxweynuhu siduu hadalkaa u yidhi iyo sida loo turjumay, waa laba kala fog”.

“Ciidanku waa ciidan qaran,  sharci ayaanu ku joogaa Ceel-afweyn iyo dalka intii kale-ba. Askartu  amaanka iyo sharciga ayay ilaaliyaan, ummada ayay ku kala dhex jiraan, wax dhibaato ah oo ay gaysanayaa-na  ma jirto.

Waxaan og nahay in askar badan la dilay sabab la’aan. Waxaana loola coloobay sharciyada ay fulinayaan askartu, taasina waa khalad.

Markaa turjumaadda hadalkii madaxweynaha laga bixiyay,  waa mid khalad ah, oo aan ahayn teedii saxda ahayd”ayuu yidhi xildhibaan Warfaa oo  warbaahinta la hadlay.

Geesta kale  guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo wax laga waydiiyay xeerka doorashadda baarlamaanka ee horyaala golaha Wakiiladda ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in xeerkaasi uu dhamaan doono.

“Baarlamaanka waxaa horyaala xeerkii doorashadda golaha  Wakiiladda,  in uu dhaqan-gallo xeerkaasi   ayaan rejaynayaa,  oo aan filayaa.

Waxaanan qabaa in doorashada golaha Wakiiladu ay qabsoonto, wixii caqabado ah ee hortaag-na way dhamaatay, wixii kale ee ka hor yimaada-na, way iska dhamaan doonaan.

Saddexda xisbi-na waa kuwii ka gaadhay qabashadda doorashada golaha Wakiilada”.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here