Somaliland: Dugsi Wasaaradu Ruqsadda Kagala Noqotay Oo Raali-gelin Bixiyay

0
592

Hargaysa (Hargeisa Press.com):Wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa Khamiistii shalay shaacisay go’aan ay rugsadii kagala noqotay afar dugsi oo ka mida kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaaladda Hargaysa.

Kuwaasoo lagu eedeeyay in ay jebiyeen heshiisyaddii ay wasaaradda waxbarashadda la galeen, isla markaana iska dhego tireen awaamiirtii iyo wareegtooyinka wasiirka waxbarashadda Somaliland.

Afarta dugsi ee ay wasaaradda waxbarashu ruqsadda kala noqotay waxaa ka mid ahaa iskuulka hoose ee Najax Primary School, ayaa raali-gelin ka bixiyay khaladkii ay galeen ee sababay in ruqsadda lagala noqdo.

Talaabadaasi  oo ahayd in ay dusgiga fureen wakhti ka horeeya xiligii ay wasaaradda waxbarashadu  go’aamisay.

Maamulaha iskuulkaasi Luqmaan C/raxmaan  Caydiid, oo maanta la hadlay warbaahinta dawladda ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay gefkii ay sheegtay wasaaradda waxbarashu in iskuulkoodu ku kacay, isla markaana ay u hogaansamayaan awaamiirta wasaaradda.

Waxaanu yidhi “U jeedadda aan halkan uga hadlayaa waxay tahay, kadib markii aanu warbaahinta ka maqalnay in wasaaradda waxbarashadda Somaliland ay ruqsadii kala noqotay afar iskuul, oo uu ka mid yahay dugsigan Najax Schools.

Sababta arrintaa keentay-na ay tahay in dugsiyadaasi ay fureen wakhti ka horeeya, xiligii loogu tallo-galay in fasaxa sanad dugsiyeedka laga soo noqdo”.

Geesta kale Luqmaan C/raxmaan  Caydiid, maamulaha iskuuladda Najax waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin xal kasta oo hawshaasi lagu dhamayn karo, maadaama oo aanu jirin khaladaad hore oo ay ku kaceen.

“Arrintani kumay imannin iska dhego-marin iyo in aanaan u hogaansanayn awaamiirta wasaaradda waxbarashadda. Wasaaradda waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn, hore-na khalad uma dhicin.

Waxaan halkan fariin uga dirayaa, wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo aan leeyahay waxaanu diyaar u nahay, raali-geli-na aanu ka bixinaynaa khaladkaa dhacay”ayuu yidhi maamulaha iskuulka Najax.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Sababta keliya ee ka danbaysaana waxay tahay in xiligii aynu hore u iclaaminay, ee ahayd in iskuuladda lagu noqonayo bisha 8aad koowdeedda, isla wakhtigaas waalidka iyo caruurtii markii ay ku soo noqdeen iskuulka ayuu nala kumay kormeerka wasaarada waxbarashadu. Hawshaasina sidaas ayay ku dhacday.

Xal kasta iyo si kastoo hawshaa lagu soo dabaali karo, diyaar ayaanu u nahay in aanu wasaaradda waxbarashadda Somaliland kala shaqayno”.

Ugu danbayn,  maamulaha iskuuladda Najax ayaa fariin u diray waalidiinta ay caruurtoodu iskuulkaasi dhigteen, waxaanu yidhi

“Waxa kaloo aan raali-gelin siinayaa cid kastoo arrintani taabatay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland, oo uu ku khasbay in ay gaadho go’aankaasi.

Waxa kaloo aan fariin u dirayaa waalidiinta ay caruurtoodu iskuulkan dhigtaan, oo aan leeyahay arrinkani wuxuu ku dhamaan doonaa khayr insha ALLAAH.

Wasaaradu-na waxay gudanaysaa waajibaadkeedii, anagu-na si kastaba waanu u hogaansamaynaa awaamiirta wasaaradda waxbarashadda Somaliland. Maadaama oo ay qaranka u qaabilsan tahay siyaasadda waxbarasho ee wadanka”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here