Madaxweynihii Hore Ee Kenya Daniel Arap Moi Oo Cusbitaal La Geeyay

0
960

Nairobi (Hargeisa Press.com): Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arap Moi, ayaa la sheegay in fiidnimadii Axaddii ee shalay loo qaaday Cusbitaal ku yaalla magaaladda Nairobi.

Sababta cusbitaalka loo geeyay Daniel Arap Moi, ayaa lagu sheegay in xaaladdiisa caafimaad lagu sameeyo hubin, taasoo si joogto ah loogu hubiyo.  Sida laga soo xigtay qoyskiisa.

Xoghayaha saxaafadda ee Daniel Arap Moi, ayaa wargeyska the Nation u sheegay in sababta Moi loo geeyay cusbitaalku ay tahay inuu arko dhakhtarkiisa gaarka ah Dr. David Silverstein, si uu baadhitaan ugu sameeyo, una hubiyo xaaladdiisa.

Xoghayaha saxaafadda ee Moi, wuxuu meesha ka saaray inuu jiro wax wel-wel ah oo laga qabo xaaladda caafimaad ee madaxweynihii hore ee Kenya.

“Waan xaqiijin karaa in Moi uu booqday Cisbitaalka, si loo baadho Caafimaadkiisa..” ayuu yidhi xoghayaha warbaahinta ee Moi.

Waxaanu intaa ku daray inay arrin iska dabiici ah tahay in Qof walba uu baadhitaan Caafimaad maro, laakiin aanay jirin wax wer-wer ah oo qabo Xaaladda Caafimaad ee Moi oo xilligan da’ ah.

Xanuunada uu ka cawdo Moi ayaa waxa ka mid ah mid ka haya Jilibka, kaasi oo ka soo bilaabmay Shil uu sannadkii 2006-kii ku galay deegaanka Limuru.

Mr. Moi, oo dalka Kenya xukumayay muddo 24 sanadood ah oo ah intii u dhaxaysay sanadihii 1978-kii illaa 2002-dii ayaan xilligan ka dhex muuqan siyaasadda dalkiisa Kenya.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here