Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Wasaaradda Beeruhu Kula Wareegaysay 8 Baabuur

0
971

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Wasaaradda Beeraha Somaliland kula wareegaysay 8 baabuur oo Hay’adda FAO ku wareejisay.

Gaadiidkan ayaa ka shaqaynaya Mashruuc waxbarasho oo 102 Goobood lagaga samaynayo Gobolada dalka. Goobahaas oo ay wax ku baranayaan Shaqaalaha Wasaaradda iyo Beeralaydu.

DSC00510.JPG

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaciil  Faarax oo arrintaasi sharaxaad ka bixiyay ayaa yidhi “Hadii Aan War-Bixin Aan Kaa Siiyo Mudane Madaxweyne Ku Xigeen Gaadiidkani Waxaa Uu Ka Mid Yahay Barnaamij La Yidhaahdo (Dugsi Goobeedyo Beeraleyda Ah)  Waxaana Barnaamijkaas Naga Caawiyey EU Da Noona  Soo Mariysay Haya’ada FAO Oo Sida Aad La Socotaan Wasaarada Beeraha Wada Shaqeen Dhow La Leh Maashariicda Ay La Fulisay Iyo Kuwa Ay Iminka La Wadaaba Aan Kow Iyo  Laba Lagu  Soo Koobi Karin Aad Baanu Ugu Mahad Celinaynaa Hadayada FAO Iyo EU Da  Kuwii Ay Hore Noogu Qabtay Iyo Tan Ay  Maanto Lana Wadaba .

DSC00514(4).JPG

Barnaamijkani Waxaa Uu Ka Socdaa Lix Gobal Oo Kala Ah AWDAL,GABILAY,M/Jeex ,SAAXIL,TOGDHEER Oo U Kala Baxaya Daadmadheedh Iyo Burco  Barnaamijkaasi Waxaa Uu Ka Kooban Yahay Isla Markaana Ka  Shaqeenayaa Shaqaalaha Wasaarad Beeraha Oo Loo Toobabaray Shaqadaas  Sidaad La Socoteen Mudane Madaxwene Ku Xigeen Waxaanu Baryahanba Ku Jirnay Cilmi Daadijintii Ku Xidhnaan Jiray In Wasaarada Beeraha Oo Kaliya  Loo Soo Doonto Cilmiga Fidinta Beeraha Ama La Dagaalanka Cayayaanka Ha Noqotee Hawshaas Yada Ah Hoos AYaanu U Daadijinay Waxaana Aanu Gaadhsiinay Heer Gobal ,Heer Degmo Ilaa Heer Beeralay”

DSC00522.JPG

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isna u mahadceliyay Hay’adda FAO iyo Ururka Midawga Yurub oo Mashruucan maalgalinaya “Waxaa ay Hay’adda FAO Iyo Midawga Yurub Ay Gacan Weyn Ka Geesteen Inay inaga Caawiyaan Wax Soo Saarkii Dalka,  Marka Wax Soo Saar Laga Hadlaayo Waa shey Aad Mihiim U Ah Oo Ku Xidhan Aqooon Waan Ilahay Mahadii Mar Hadii Ay Maanta Inaga Caawiyeen Aqoontii OO Ay Fidiyeen Isla Markaana Ay Daadijiyeen Aad Iyo Aad Baanu Uga Mahad Naqeynaa Sidoo Kale Waxaanu Aanu U Mahad Naqeynaa Wasaarada Beeraha Somaliland Oo iyadu Dadaalkan Xooggan Muujisay” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here