Wasiir Xirsi Oo Ka Dareen Celiyay Safarka Madaxweynaha

0
987

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo aan ku wehelinayno Xubno ka tirsan golihiisa Xukuumada ayaanu safar maalmo badan oo xidhiidh ah qaatay ku maraynaa gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka in badan oo kamida

Socdaalkan Madaxweynaha oo ah mid isugu jira guuro iyo galab caraw ayey Ujeedadiisu tahay in Madaxweynuhu u kuur galo xaalada dadka iyo deegaanada dalka isagoo dhagahiisa ku soo dhagaysanayaa wixii u qabsoomay deegaanada iyo waxa ka dhiman ee ay tahay in laga qabto

Meel walba oo aad marto ayaad ku arkaysa sida hanaanka dawladnimadu u wada gaadhay guud ahaan dalka iyo sida raadka dawladnimadu meel walba uuga muuqdo

Waxay indhahaagu qabanayaan; waddooyin, goobo waxbarasho, rugo Caafimaad dad iyo Xoolo, iyo goobo lagu sugo nabadgelyada oo ay ku diyaar yihiin ciidamo darban

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa goob walba oo uu soo gaadho wuxuu arkaya balan qaad uu horay degmadaas uugu sameeyey oo fulay, kuwo socda iyo kuwo cusub oo uu dhagax dhigayo isla markaana Masuuliyiinta ay hoos timaado ku amrayo in ay degdeg u fuliiyaan kolba intii ka suurogal ah ee ay awoodu saamaxdo

Socdaalkan Madaxweynaha ayaa ka marag kacaya amaanka buuxa ee dalkeena yaala iyo sida Madaxweynuhu degmo iyo tuulo walba u tegi karo isagoo og in uu wax badan ka qabtay baayihooda aasaasiga ah.

Weli safarka Madaxweynuhu ku marayo deegaamada dalka ayaa socda meel walbana wuxuu kala kulmaya soo dhawayn iyo sooryo gobeed.

Saacadaha soo socda ayaan idiin soo gudbin doonaa warbixinaha safarka si aad farxada uula qaybsataan Shacabkiina Reer Somaliland meel walba oo aad aduunka ka joogtaan.

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here