Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddi Qabanqaabisa Aas Qaran Oo Marxuum Fu’aad Loo Sameeyo

0
827

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/MG/0833430/072015 ku magacaabay Gudi heer qaran oo qaban qaabin doonta Aaska Marxuum Fuaad aadan cade.

 

 Digreetada Madaxweynaha:-

 

Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada         Guddoomiye

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                          Xubin

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                    Xubi

Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warshadaha                                      XubinKu:      Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada        Xubin

Ku:      Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye              Xubin

Ku:      Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ahna

Ku-simaha Maayarka Hargeysa                                           Xubin

Ku:      Mudane, Cabdirashiid Ducaale Qambi                                Xubin

 

Ujeeddo:          Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde

Mudanayaal,

Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cadde.

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, waxaana guddoomiye idiin noqon doonna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here