Madaxweyne Siilaanyo Oo Cayimay Wakhtiga Dalka Laga Bilaabayo Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Doorashada

0
811

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cayimay wakhtiga la bilaabayo diwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland. Madaxweynaha ayaa go’aamiyay in bisha 7-aad ee sanadkan la bilaabo diwaangalinta Madaniga ah.

Digreetada Madaxweynaha ayaa u dhigan sidan

WAR-SAXAAFADEED
Taariikhda: – 12/04/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir 
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here