Madaxweyne Qaranka Somaliland Waxa Leh Shan Beeloode Beesheenu Ma Boqortooyaa-W/Q Mowliid Aadan Cumar

0
1083

Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud {Siilaanyo} waxaan ku dhiirri-galinayaa in uu caddaalad ugu qaybiyo mansabyada ama xilalka uu u magacaabayo muwaadiniinta Somaliland, Sidaasi awgeed waxaan leeyahay madaxweyne, waynu ka gudubnay in madaxweynaha qaranka Somaliland iyo ku xigeenka madaxweynaha lagu doorto hab-beeleedyo, waxaana aad xilka kala wareegtay madaxweynihii hore Daahir Riyaale Kaahin oo aad kaga guulaysatay doorasho xor iyo xalaal ah 26/ 06/ 2010, Taasi mid lmid ah wuxuu Daahir Riyale doorasho xor ah kaaga helay sanadkii 2003. Haddaba, Mudane Madaxweyne shacabka Somaliland way ogyihiin in kursiga u sarreeya ee dalku uu u dhaxeeyo guud ahaan muwaadiniinta beelaha Somaliland. Sidoo kale waxay og yihiin in golaha baarlamaanku yahay gole xilka ku yimaadda doorasho xor ah oo ka gudbay saami qaybsigii beelaha Somaliland. Haddaba, Mudane Madaxweyne, dhismaha qaranka Somaliland wuxu ku dhisan yahay go’aankii madaxbanaanida ee 1991-kii ay wada qaateen guud ahaan beelaha kuwada nool dalkan oo way u siman yihiin dhib iyo dheef wixii dalka ka socda ama kala soo gudboonada, sidoo kale way u siman yihiin naf iyo maaliyadba inay u huraan dalkooda hooyo. Haddaba Mudane Madaxweyne Adiga oo ah Madaxweynaha shacabka Somaliland, mucaarid iyo muxaafidba, adigaa ah guddoomiyaha golaha fulinta oo ah xukuumadda ama golaha wasiirrada, madaxweyne adigaa ah masuulka ugu sarreeya qaranka Somaliland, madaxweyne adigaa ah astaanta midnimada shacabka Somaliland sida ku cad sharciga qaranka. Madaxweyne adigaa ah masuulka awoodda u leh magacaabista iyo xilka qaadista madaxda qaranka ee wasiirrada iyo hay’adaha qaranka. Madaxweyne waxaa kugu waajib ah inaad u caddaalad samaysid saami uqaybinta xilalka guud ahaan beelaha Somaliland, sidaasi awgeed mudane madaxweyne qaranka somaliland waxa wada leh shan beelood oo ALLAH Kuwada Uumay Shantaasina waxay kala yihiin:- Beesha Harti, Beesha Isaaq, Beesha Samaroon, Beesha Ciise, Iyo Beesha Shanaad oo noqonaysa beelaha laga tirada badan yahay.
Hadaba mudane madaxweyne aniga oo aan sigaar ah kuugu dhaliilayn qodobkan saami uqaybinta beelaha Somaliland oo ay dhaliisha kula wadaagan madaxweynayaashii kaa horeeyay, waxaan ku leeyahay Madaxweyne Axmedoow beesheenu xaq uma helayso inay u abtirsato mansabyada ama xilalka aad magacowdo ee shanta beelood ayaa wada leh in saami loogu qaybiyo, sidaasi awgeed mudane madaxweyne waxaan kugu dhiirigalinayaa inaad dib u eegis ku samaysid saamiga beelaha Harti, Ciise, iyo beelaha shanaad oo ka kooban ilaa siddeed beelood oo yaryar.
Sidaasi darteed waxaan ku soo koobayaa mawduucan oo ah mid kor u qaadaya midnimada shacabka Somaliland madaxweyne beesheenu maaha boqortooyada xilalka’e waa inaad horseed u noqotaa saami siinta beelaha aan kor ku soo tilmaamay Haddii ALLAH yidhaa.

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

Mowliid Aadan Cumar
Hargeysa
Tel 0634410898
Email: mawliid1991@gmail.com
Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here