Ololaha Cashuur Ururinta: Xaddiga Cashuurta Saxaafadda Ku Waajibtay + Qalalaasaha Yemen Oo Saameeyay Ku Talo Galkii Miisaaniyadda

0
1276

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta oo kulan wadajir ah yeeshay shalay, ayaa shaaciyey in ololaha cashuur-ururinta oo laga bilaabay dalka ay sabab u tahay dagaallada ka socda Gacanka Cadmeed ee waddanka Yemen, kaas oo laga cabsi qabo inuu saamayn ku yeesho dhaqaalaha Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo dhexmaray masuuliyiinta wasaaraddaas iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, waxay labada dhinac isku raaceen in loo baahan yahay cid kasta oo cashuur ku waajibtay iska bixiso, iyagoo warbaahinta ku dhiirrigeliyey inay ka qaybqaataan ololaha cashuur-ururinta.

Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuse), ayaa shacabka ugu baaqay inay taageeraan ololahan cashuur-ururinta ah si aannu isku dhimin kharashka ku-talogalka miisaaniyadda qaranka, waxaannu yidhi, “Ololaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland si buuxda ayeynu u taageeraynaa, shacabka Somaliland oo dhan waan uga mahadnaqayaa, dareenka wanaagsan iyo niyad-samida ay muujiyeen ee ku soo dhawaynayaan in ololahaas uu suurtogalo. Ololaha cashuur-bixinta waxa maanta innagu soo kediyey oo dib inoo xasuusiyey duruufta innagu xeeran ee Gacanka Cadmeed ka jira. Waxa innagu xeeran duruuf ina saamaysay oo dakhligeennii suurtogal tahay in loo baahdo in halkii ku-talogalka ahaa la soo gaadhsiiyo.

Waxaan idin leeyahay muwaadiniinteena oo aan hubo in ay dalkeenna iyo dalkoodaba jecel yihiin, ha ku dhiirradaan inay cashuurta ku waajibtay bixiyaan oo xarumaha cashuur-ururinta geeyaan.”

Waxa kaloo uu saxaafadda madaxbannaan iyo ta dawliga ahba u soo jeediiyey in cashuuraha ku waajibay ee sannadla ah iska bixiyaan, isagoo caddeeyey in Wasaaradda Maaliyaddu u keentay qoraal muujinaya qaddarka lacagaha cashuurta ee ku waajibay hay’adaha wargeysyada, telefishannada iyo madbacadaha sannad kasta.

“Saxaafadda madaxbannaan oo wargeysyo leh oo telefiishanno leh oo madbacado leh waxa kaga soo hagaagay sida halkan ku qoran wargeysyada madaxbannaan inay cashuurtii 400,000 shillin (afar boqol oo kun oo shillin) ee cashuurtii sannadka ahayd ay iska bixiyaan, in telefiishannada madaxbannaan $1000 doollar iska bixiyaan, in madbacaduhu nooc kasta oo ay yihiin $500 dollar iska bixiyaan, waxa ay bixinayaanna wax kale maaha ee waa liisankii amma ruqsadii ay ku shaqaynaayeen cashuurtii ku waajibtay,” ayuu yidhi Md. Cakuse.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md. Axmed Aw Cabdi Nuur Shaacir, ayaa isaguna caddeeyey in ololahan ay keentay duruufaha iyo dagaalka ka socda Yemen, waxaannu yidhi; “Dakhliga ina soo gala waa laba dhinac; mid waa ka kastamada laga helo oo waa waxa dalka soo galaya amma dibadda uga baxaya cashuuraha laga qaado iyo cashuuraha berriga oo ah wixii kale ee cashuur la qaado, marka dunidu cashuuraha samaysanaysana ta lagu saleeyaa waa cashuuraha berriga, waana wax markasta isbeddeli kara kastamadu oo yaraan kara, istaagi kara. Markaa duruufaha innagu xeeran saamayn adag bay yeelan karaysaa, iminkadana way inagu bilaabantayba.

Arrinta muhiimka ah ee dalku dhaqaale ahaan cuskan karaa waxa weeye cashuuraha berriga ah ee joogtada ah.”Ololaha cashuur ururinta, ayaa laga bilaabay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, iyagoo xoogga la saaray cashuuraha waddo-marista ee baabuurta kala duwan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here