Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galey Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Xildhibaan Sheekh Cumar Sh Axmed Fure + SAWIRRO

0
2217

Hargeysa, (HargeisaPress) —Alle ha u naxariistee Sheekh Cumar Axmed Fure oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Xildhibaan Sheekh Cumar Axmed Fure oo xalay geeriyooday, ayaa waxa aaskiisa ka qaybgalay Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxwayanaha Somaliland, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiiro tiro badan, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Salaadiin, Aqoonyahano, iyo haldoorka bulshada qaybahooda kala duwan.

Madaxda qaranka ee ka qayb galay aaska qaran ayaa ehelka,Golaha guurtida iyo guud ahaanba bulshada Somaliland ka taciyadeedyay geerida Marxuum Sheekh Cumar Axmed Fure.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland ayaa ka marag kacay kaalintii uu Marxuum Dhugad ku lahaa halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo waliba qaybtii uu ka qaatay nabadaynta Somaliland.

Marxuum Xildhiban Sh Cumar Sh Ahmed Furre oo ka mid ahaa xubno fara ku tiris ah oo ka hadhay odayaashii ugu mudada dheeraa golaha guurtida ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa bukaan.

Wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ugu Af-gaaban golaha, isagoo caan ku ahaa inuu mar walba wacdiyo golaha oo uu ka gaabsado doodaha siyaasadeed ee mararka qaar golaha ka abuura xaasaasiyada, isla markaana inta baddan fadhiyada golaha ku furi jiray aayadaha quraanka kariimka ah. Wuxuu ahaa adoon degan oo akhlaaq baddan, af-gaaban oo golaha wacdiyi jiray, waxaana illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo  sidaa waxa yidhi, Marxuum Xildhiban Sh Cumar Sh Ahmed Furre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here