Hargeysa, (HargeisaPress) —Wali waxa kacsan oo meel adag maraya khilaafkii golaha deegaanka Saylac soo kala dhex galay kadib markii xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku doorteen maayar iyo ku xigeen cusub.
Maayarka cusub ee la doortay oo Hargeysa ku sugan ayaa si adag uga hadlay khilaafkooda,waxaana uu dusha u saaray inuu dabada ka riixayo khilaafkani madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.