Tallaalkii Ugu Horeeyay Ee Covid-19 oo Soo Gaadhay Somaliland

0
1647

Hargeisa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta gelinkii dambe garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland ka soo degtay diyaaradii siday tallaalka xanuunka Covid-19.

Tallaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee nooccciisa ah ee soo gaadha Somaliland ayaa ah COVAX, iyadoona Tallaalkan la gaadhsiin doono 65 kun oo qof.

Diyaaradan ayaana wadday Shixnad ka kooban in ka badan 60,000 kun oo tallaalka fayraska COVID-19 ah.

Wasaarada caafímaadka, ayaa sheegtay in tallaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID-19 kuwaasi oo kala bahda Caafimaadka, Ciidanka Socdaalka, Ciidanka Booliska iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.

Sidoo kale, Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Badde, ayaa sheegay in qaybo kale oo talal ahi ay iman doonan dalka isla markaana uu qorshuhu yahay in la talaalo 20% kamida bulshada Somaliland.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu aadka ugu faafayo cudurka Covid-19, waxaana aad u hooseeya heerka wacyi galinta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here