Madaxweyne Kenyatta O o ka hadlay Booqashada uu Obama ku Tagayo Kenya iyo diyaarado la geeyay Nairobi + SAWIRRO

0
805

Nairobi, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta ka Hadlay Booqashada Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama uu ku Tegi doono Jimcaha nagu soo aaddan Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, halkaasoo uu ku sugnaan doono muddo saddex maalmood ah.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Waxyaabaha uu Obama kala hadli doono aysan ku jirin arrinta doodad badan ka dhalisay Kenya ee ah isu-galmoodka dadka isku jinsiga ah, balse uu kala hadli doono Arrimo la Xidhiidha Xuquuqda Shakhsiyaadka ah iyo iskaashiga labada waddan ee dhanka dhaqaalaha iyo ka hor-taga kooxaha argagaxisada ah oo uu sheegay inay dalkiisa dib ku hayaan.

Uhuru_Kenyatta_Booqashada_Obama (7)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo uu aabbihii kasoo jeedo Kenya ayaa dhammaadka Todobaadkan tagaya magaalada caasimadan ah ee Nairobi, halkaasoo uu uga qaybgalayo shir looga hadlayo Ganacsiga Caalamka.

Toddobaadyo ka hor waxaa Magaalada Nairobi ka dhacay Mudaaharaadyo loogu baaqaya Obama inuusan ka hadlin Arrnta ku saabsan dadka isku-jinsiga ah ee isku Galmooda.

Uhuru_Kenyatta_Booqashada_Obama (3)

Bannaanbaxayaasha ayaa ku Dhawaaqayay Erayo ay ku Diiddan yihiin Arrintaan; iyagoo sheegay in dalka Kenya ay mamnuuc ka tahay xadhiidhka noocaas ah, ayna kasoo horjeedaan shucuubta kala duwan ee dalkaas ku nool.

Sidoo kale, Kenyatta ayaa Shirkiisa Jaraa’id ee uu maanta ku Qabtay magaalada Nairobi ku Sheegay in Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo ay dacwad uga socoto Maxkamada caalamiga ah ee ICC-da uu goob-joog ka noqon doono kulanka Obama.

Uhuru_Kenyatta_Booqashada_Obama (1)

Dhanka kale, Magaalada Nairobi ayaa waxaa la keenay illaa shan diyaaradood oo isugu jira kuwa Qummaatiga u kaca iyo kuwa millateriga Mareykanka, kuwaasoo la sheegay in Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay isticmaalayaan saddexda cisho ee ay ku sugan yihiin Kenya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Barack Obama iyo wafdigiisa ay diyaaradahan ugu kala gooshi doonaan magaalada Nairobi iyo deegaannada kale ee safarka ay ku tagayaan, kuwaasoo uu ku jiro deegaankii uu aabbihii ku dhashay.

Uhuru_Kenyatta_Booqashada_Obama (5)

Ugu dambeyn, shanta diyaaradood ee Marekanku leeyahay ayaa Haatan fadhiya Gudaha dhismaha weyn ee Jaamacadda Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo shacabka Nairobi ku nool ay billaabeen dabaal-dagyo ay kusoo dhaweynayaan Madaxweyne Obama.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here