Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Masuul Hore Isu Casiley

0
1223

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil cusub u magcaabay masuul hore usaga casilay xukuumaddiisa oo muddo dhawr bilood ah banaanka ka joogay, kaddib markii uu xilka isaka casilay 6 Jun 2022.

Hase yeeshee Wareegto kasoo baxday maanta oo Sabti ah xafiiska Madaxweyne Biixi, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. (Beddel) hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose.” ayaa lagu yidhi, wareegtada oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shabakadda Hargeisapress.

Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay:  Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya aragnimadiisa; Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan.

Markaan Sameeyey:  La-tashi Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu yidhi, qoraalka wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Wasiir ku xiegeenka Naasir Caydiid ee Madaxweyne Biixi magcaabay, ayaa muddo saddex bilood ah ka hor iska casilay xilkaa, wuxuuna xilligaa la hadlay Telefishanka Bulsho, isagoo xaqiijiyay inuu xilkaa iska casilay 6 Jun 2022.

Wuxuna isagoo ka hadkaya xilka uu iska casilay yidhi, “waxaan xilkaaa hayay muddo saddex sannadood iyo dheerad ah, waxaanse caddaynayaa in laga bilaabo maanta Taariikhdu tahay 6 Jun 2022, aan iska casilay xilka, sababo ii gaar ah, wixii kalena dib ayaan ka sheegi doonaa,.” sidaa ayuu yidhi. balse Wareegtada xilligan ayaa lagu qoray in magcaabistiisu tahay bedel loo beddelay wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here