Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Dagaalka Laascaanood iyo Cidda Soo Abaabushay

0
2597
Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Cidda masuulka ka ah ee soo abaabushay dagaalkaas.

Madaxweynaha oo maanta khudbad sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Goleyaasha sharci-dejinta, waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood ku yimi qorshe ay soo maleegeen kooxaha argagixisada ah oo amni-darro ka waday gobolka in muddo ah.

Madaxweyne Biixi, ayaa dagaalka magaalada Laascaanood markale ku eedeeyay Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxana uu sheegay in Puntland dagaalka ku jirto, isla markaana uu ninka Madaxweynaha ka ah maamulkaasi ee Siciid Deni in uu dagaalamayo, dagaalka oo ay Puntland ku galayso hab qabiil.

“Dagaalka waxa abuuray maamulka Puntland oo aan ka gabanin in uu dagaalkaa soo qaado todobbaadkii hore isaga oo waliba hab qabiil u dhaadanaya, waxa uu sheegay in ciidankiisu ka dagaalamayo kana dagaalami doono Laascaanood” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, Waxa uu sheegay in xadka Somaliland yahay mid sharci ah oo la aasaasay 1884, isla markaana anay suuragal ahayn in xad qabiil lagu badalo, isaga oo sheegay in xadka Somaliland ay sameeyeen odayaasha reer Sool iyo odayaasha dhinaca kale, “Maamulka Puntland imika in uu yidha waxa samaynaya xad beeleed mid suurtogalaysa maaha”.

Madaxweynuhu waxa kale oo xusay in argagixiso ay dagaalka Laascaanood lug wayn ku leedahay, oo kooxo argagixiso ahi ay 10kii sanno ee laasoo dhaafay laynayeen haldoorka Laascaanood, kadibna shacabka ay u sheegeen in Somaliland dadka laysay.

Waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood lagu soo duulay oo la burhuriyay shacabkeediina la qixiyay, isla markaana aanu garanayn cida laga xoraynayo Laascaanood oo xooga ku haysata, isaga oo xusay in Ciidanka Somaliland 15 sanno si nabada ku joogeen.

“Maxa ka socda hada Laascaanood, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, wax la eegan karona maaha, waxaanu leenahay dadka reer Laascaanood nabad wax dhaama magaranayo, waxay dadkaasi qoxooti u ahaadana garan maayo” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay garaadada u ogolaadeen in ay yimaadaan gobolka Sool, oo ay ka qaybqaataan nabada, lakiin ay dagaal ku baaqeen, taasi oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here