Agaasimaha Guud Ee W. Deegaanka Oo Ka Qayb Gallay Shirka Maaraynta Masiibooyinka Dabiiciga ah

0
254

Hargaysa (HP): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdulaahi Ducaale, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha Maareynta Masiibooyinka ee Heer Degmo oo ay kasoo qaybgalen badiba maayirada Magaalooyinka Waddanku Si loo Daadejiyo Hawlaha Shaqo ee Bulshadu u Baahanntahay.


Agaasimaha Guud ayaa ka sheekeeyey Muhiimada kualan iyo sida Wasaaradda deegaanku Diyaarka kula tahay inay si Wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka magaalooyinka Waddanka.

Si looga Hortago Masiibooyinka Dabiiciga ah Agaasimaha ayaa Xusay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ay kulamo kala Duwan hore ugu ka qabatay Masuuliyiinta Dawladah Hoose ee Waddanka iyo weliba qaybaha kala Duwan ee Bulshada si loo Baro.

Sida ugu fudud loona qabsan karo ee laga hortegi karo Masuubooyinka Dabiiciga oo ay u Horeyso Isbedelka Cimilada oo sameyna ku sheegay Noloasha dadweynaha Aduunyada.

Agaasimaha Guud ayaa Masuuliyiinta Shirkan kasoo qaybgalay kula Dardaarmay in wixii laga Barto Halkan Dib loogu heliyo Magaalooyinka laga kala yimi si dadweynuhu uga faaiideystaan.

AKHRISO KHUDBADII AGAASIMAHA:

Marti-sharafta

Marwooyin iyo Mudaneyaal

Waxa aan aan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka (Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wa Barakaato).

Waxa ii sharaf ah in aann idinkala soo qeyb-galo, *Shirka Maareynta Masiibooyinka iyo Doorka Dawladaha Hoose ee Dalka*

Aniga oo ku hadlaya Magaca *Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jsl*, waxa aanu dareensanahay in Doorka Dawladaha hoose ee Dalku uu yahay mid muhiimadiisa leh,. Waxa kale oo aann xusayaa xidhiidhka Wanaagsan ee Wadashaqeyneed ee ka dhaxeeya *Dawladaha Hoose iyo Wasaaradda Deegaanka* oo aan kor u qaadis ku sameeyey mudadii aann Xafiiska Joogay.

Anaga oo dareensan muhiimada iyo doorka Dawladaha Hoose ee dhinacyada Adeeg bixinta iyo kobcinta Bulshada, waxa aannu Dawladaha Hoose ee Dalka ka taageernay arimahan soo socda:

1. Waxa aanu *Tababar Xirfadeed, iyo mid wacyigalineed oo la xidhiidha Ilaalinta Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada* siinay qaar kamid ah Shaqaalaha Dawladaha hoose iyo Gudiyada Xaafadaha ee la shaqeeya Dawladaha Hoose.

2. Waxa kale oo aannu Dawladaha Hoose ee Dalka ka caawinay in aannu degmooyin ilaa 12 ah ka sameyno *Daraasad muujinaysa waxyaabaha Sababa Nuglaanshaha Isbedelka Cimilada*, .

….. Waxa xusid mudan in aanan halkaa kaga hadhin e, *waxa aannu diyaarinay qorsheyaasha wax looga qabanayo arimaha keenay nuglaanshaha Isbedelka Cimilada Degmooyinka 12ka ah ee aannu daraasada ku sameynay*, .. Idamka Alle dhawaan ayaanu anaga iyo Degmooyinkaasi soo bandhigi doonaa.

3. Anaga oo ka mahadnaqeyna wadashaqeynta Dawladaha Hoose ee Dalka waxa aannu Sanadkii hore dhameystirnay *Siyaasada Qaran ee Maareynta Qashinka Dalka*, oo sugeysa in dhawaan Golaha Wasiirada loo gudbiyo.
Siyaasadu waxa ay dhabaha u xaadhi doonta in maalgalin loo helo Kheyraadka Qashinka aynu soo saarno oo runtii waxyaabo badan aynu ka farsameyn karno, isla markaana Shaqo Abuur u sameyn doona Dhallinyarada Dalkeena.

4. Waxa kale oo dhamaad ku dhow *Habraaca Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ka dhasha Isbedelka Cimilada* kaasi oo Dawladaha hoose ee Somaliland ka caawin doona in ay si cilmiyeysan u maareeyaan, una maamulaan ka hortaga Khataraha iyo Maareynta Masiibooyinka Ka dhasha Burburka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

*Mudaneyaal iyo Marwooyinka Sharafta leh*:

Waxa aann doonayaa in aan Hoosta ka xariiqo, in ay muhiim tahay in Dhamaan Dawladaha Hoose ee Dalku ay yeeshaan *Xafiisyo ama Waaxyo u gaar ah Ilaalinta Deegaanka, Maareynta Qashinka iyo Maareynta Masiibooyinka*

Taasi waxa ay soo dhaweynaysaa oo ay fududeynaysaa in Dawladaha Hoose qeyb weyn ka qaadan karaan Horumarinta arimaha Ilaalinta Deegaanka, Wacyigalinta, Isbedelka Cimilada, Maareynta Qashinka iyo ka hortaga iyo Maareynta Masiibooyinka iyo kor u qaadida wadashaqeynta Hay’adaha kaladuwan ee dalka.

Waxa aan bogaadinayaa Dawladaha Hoose ee hore u sameeyey xafiisyadaasi

*Gebogabada Kalmadeyda*:

Qorshaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka waxa kamid ah:

In ay Si dhow ula shaqeyso Dawladaha Hoose ee Dalka, Dhinacyada aanu Dawladaha Hoose ee Dalka ka taageeri doono waxa ugu muhiimsan

1. *Dhireynta iyo Cagaarinta Magaalooyinkeena*

Bilowgii bishii April ee ina dhaaftay, ilaa 15 April oo ku beegnayd *Maalinta Dhirta Somaliland* waxa aannu Dawladaha hoose ee Somaliland gudoonsiinay dhir tiro badan anaga oo mudnaanta siinay Caasimada Hargeysa oo aanu siinay ilaa *35 kun oo Geed*

2. Waxa aanu doonaynaa in aanu idin kala shaqeyno *Maareynta Geedka Garanwaaga ah*

3. *U adkeysiga iyo La jaanqaadka Isbedelka Cimilada ee aynu wajahayno sanadihii ugu dambeeyey*.

4. *Maareynta Qashinka iyo Si guud wixii la xidhiidha Arimaha Deegaanka*

Waxa idiin furan Xafiiskayga, oo aad ka heli doontaan Talo, tusaale iyo garabsiin.

Asalaamu Caleykum.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here