Dibad-baxyo Rabshado Wata oo Ka Dhacay Boorama

0
1840

Boorama (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal maanta ka dhacay Dibadbaxyo rabshado wata oo khasaare kala duwan.

Dibabaxyadan, ayaa waxaa dhigay dadweyne ka cadhaysan dilka Askari ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo uu toddobaadkii hore magaalada Lawyacado uu ku dilay Askari kale oo ciianka kawada tirsanaayeen.

Dibadbaxayaasha, ayaa weeraray xarumaha ganacsiga magaalada Boorama, iyagoona taayiro ku gubay jidadka.

Waxaa lagu soo waramayaa in dibadbaxa ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada khasaaraha.

Badhasaabka gobolka Awdal iyo maayarka degmada Borama oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadka been loo sheegay oo lagu yidhi lama fulinayo dilka, isla markaan ay mudaharaadayaan dad aan ahayn ehelka askariga la dilay.

Askariga dilka geystay, ayaa maxkamada ciidamada Qaranka Somaliland dil ku xukuntay inkastoo aan weli la fulin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here