Madaxweynaha Turkiga oo Booqday Dalalka Carabta, Kana Hadlay Xasaradda gedoominta Qadar

0
880
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Ankara, (HargeisaPress) —Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay inaanay cidna dani ugu jirin inay daba dheeraadaan xasaradaha u dhaxeeya dawladda Qadar iyo dalalka deriska la ah ee Boqortooyada Sucuudigu hoggaamiso, waxaanu booqasho labo maalmood qaadaneysa ugu ambabaxay gobolkaas maanta.

Madaxweyne Erdogan, ayaa ugu horreyn booqan doona dalalka Sacuudi Carabiya, Kuweyt kaddibna Qadar isagoo isku dayaya inuu xalliyo khilaafkaas. Bishii Juun ee sannadkan, dalalka Sacuudi Carabiya, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar, ayaa xidhiidhka u jaray Qadar, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto argagixisada ayna xiriir la leedahay Iiraan.

Qadar ayaase dhankeeda beenisay inay gargaarto urur argagixiso. Cunaqabateyn ay saareen afarta dal, ayaa ku kallifay Qadar oo shidaalka qani ku ah inay cunto ku soo dhoofsato badda iyo cirka si ay u haqabtirto baahida bulshadeeda oo dhan 2.7 milyan.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay cadow uusan magacaabin inay hurinayaan xiisadda walaalaha gobolka. Turkiga ayaa xarun Millateri ku leh gudaha Qadar, waxaanu  u arkaa inay tahay saaxiib muhiim ah oo gobolka ka tirsan.

Waxaana Saldhigga Millateri ee Turkigu ka mid yahay Shuruudaha ay Isbahaysiga Sucuudigu Qadar ku xidheen ee 13-ka qodob ka koobnaa, iyaga oo ka dalbaday inay Qadar xidho Saldhiggaas, basle shuruudahaas oo wakhti loo qabtay oo xidhitaanka Al-Jasiira ka mid ahaa way diidday Qadar inay aqbasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here