Madaxweyne Siilaanyo oo Dr. Edna Aadan u Magacaabay Xil Qarannimada Somaliland Muhiim u ah

0
982
Drs Edna Aadan Ismaaciil

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Ergayga gaarka ah ee Somaliland u qaabbilsanaan doona wadahadallada Dawladda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Drs Edna Aadan Ismaaciil oo Xukuumaddii Daahir Rayaale ka soo noqotay Wasiirka arrimaha dibedda.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Xambaarsanaa Digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Ergeyga wadahadallada Soommaaliya lagula jiro u qaabbilsanaan doona Somaliland,waxa uu dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.

MADAXWEYNUHU: Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya; Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa. Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara; Wuxuu go’aansaday; In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.” Sidaa ayaa lagu Digreetada HargeisaPress.com soo gaadhay ee Madaxweynuhu Ergayga ku magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here