Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka

0
558

Yokohama (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo wax ku ool ah kula yeeshay magaalada Yokohama ee dalka Japan madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Adduunka ee qeybta Africa Hafez Ghanem.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray dadaallada Xukuumadda Soomaaliya ee la xidhiidha dib u habeynta Maaliyadda, Daynta Cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Madaxweyne  ku-xigeenka Bankiga Adduunka ee Qeybta Afrika ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda Somalia Cabdirxmaan Ducaale Beyle iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somalia Dr Nuur Diiriye (Fuursade) iyo xubno kale.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here