Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dib Iskaga Celiyay Jinsiyadiisii Maraykanka

0
1292

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dib dib u celiyay jinsiyadii uu ka haystay dalka Maraykanka.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyadda magaaladda Muqdisho ee Villa Soomaaliya.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyadda dawladda federaalka Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka warbixiyay arrintaasi ayaa  sheegay in tallaabadani ay tahay go’aan shaqsi ah oo uu si madax banaan u qaatay  madaxweynuhu.

Taasoo  in muddo ahba ay ku hawlanaayeen sharci-yaqaano iyo xafiisyadda qaabilsab jinsiyadaha iyo socdaalka ee dawladaha Soomaaliya iyo Maraykanka, isla markaana diyaar garowgeeda uu ku jiray madaxweyne Farmaajo.

Waxaanu yidhi “Sida dastuurka ku-meel gaadhka ah ee dawladda federaalka Soomaaliya uu dhigayo, madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uu haysan karaa dhalashadda Maraykanka iyo ta uu u dhashay ee Soomaalinimadda ah.

Laakiin, tani waa go’aan si madax banaan uu madaxweynuhu u qaatay, oo markii la doortay uu qaatay. Wixii ka danbeeyay-na uu diyaar garow ugu jiray.

Maanta ayaanu go’aansaday in uu dib u celiyo jinsiyadii uu ka qaatay dalka Maraykanka. Waa go’aan shaqsi ah oo madaxweynuhu qaatay”.

“Mudadda labadda sanadood iyo badhka ah ee uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay, waxaa socday hanaan ay ku lug lahaayeen sharci-yaqaano madaxweynaha la-taliyeyaal u ah iyo laamaha socdaalka iyo jinsiydaha ee dalalka Maraykanka iyo Soomaaliya oo la hadlay BBC.

Markaa maanta ayaana dhamaadkii la gaadhay. Mana ahayn wax saaka bilaabantay, maanta-na bilaabantay, balse waa mid muddo soo socotay”ayuu yidhi Cabdinuur Maxamed Axmed.

Dhinaca kale tan iyo markii xilka loo doortay madaxweyne Farmaajo 8-dii bishii February ee sanadkii 2017-kii, ayaanay marna dhicin in uu ka qayb gallo shirarka jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee ka dhaca dalka Maraykanka.

Tallaadaasi oo dadka siyaasadda falan-qeeyaa ay ku tilmaameen in ay sabab u tahay isagoo madaxweyne Farmaajo ka cabsi qabay in dawladda Maraykanku kala noqoto dhalashadda.

Hase yeeshee, agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku doodaya in arrintaasi aanay wax saamayn ah ku keenin in madaxweyne Farmaajo jinsiyadiisa Maraykanka uu dib u celiyo.

Isagoo arrimahaas sharaxayayna waxa uu yidhi “Shirarka UN-ka uun maahee, madaxweynuhu shirar badan ayuu ka baaqday. Shaqadda qaranku-na ma aha wax madaxweynaha oo keliya ku kooban.

Madaxda madaxweynaha la shaqaysa ee uu ra’iisal wasaruhu ka midka yahay,  waa madax khibrad u leh in ay buuxiyaan, oo ay ka shaqeeyaan shaqooyinka uu madaxweynuhu u igmaday”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here