Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Dufcadii 6aad Oo Ka Kooban 416 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada ADMAS Ee Hargeysa + SAWIRRO

0
1047

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa, (HargeisaPress) — Dufcadii Lixaad ayaa maanta ka qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiradoodu dhamayd 416 arday.
Munaasibad si Heersare ah loo soo Agaasimay Oo loo sameeyey Qalin Jabinta Ardaydan ayaa lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Hargeysa waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Masuuliyiin ka socotay safaarada Ethiopia ku leedahay Somaliland iyo Maamulka Jaamacada Admas ee Hargeysa.

Admas54
Dufcadan Lixaad ee ka qalinjabisay Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa ayaa bartay takhasusaad kala duwan oo ay ka mid yihiin kulliyadaha ICT, Accounting, Economics, Development Studies, Management, Business and Technology, Distance Learning, iyo takhasusyo kale.

Arday ka qalinjabinayay kuliyadahan soo socda, ICT, Accounting, Economics, Development Studies, Management, Business and Technology, Distance Learning
Arday ka qalinjabinayay kuliyadahan soo socda, ICT, Accounting, Economics, Development Studies, Management, Business and Technology, Distance Learning

Munaasibadan qalinjabinta ardayda dhamaysatay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Admas oo ku labisnaa dharka qalin-jabinta jaamacada oo kulliyad kastaaba ay xidhnay labis midab gaar ah leh, ayaa waxa aad wajiyadooda ka dheehanaysay jawi farxadeed, oo ay la wadaagayeen waalidiinta iyo masuuliyiinta qaranka mucaarid iyo muxaafidba, waxaana masuuliyiinta qaranka hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo xubno ka socday golihiisa wasiirada iyo xisbiyada mucaaridka iyo golaha guurtida.
Ugu horayna waxa madaashi ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey sooyaalkii ardaydan qalinjabisay iyo xidhiidhada jaamacadu la leedahay jaamacadaha caalamiga ah, Gudoomiyaha Jaamacada Admas ee Hargeysa, Ixsaan Cumar Ismaaciil, kaas oo sheegay in ardaydan qalinjabisay ay dhamaysteen takhasusaad kala duwan oo ka badan 10 kulliyadood, waxaanu gudoomiyuhu sheegay inay jaamacadu bilawday heerka Post Graduate, isla markaana jaamacadu ay xidhiidh la leedahay in ka badan 5 jaamacadood oo caalami ah.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Gudoomiyaha Jaamacada ADMAS Mr Ixsaan waxa uu ardayda ku booriyey inay waxbarashada halkaa ka sii wadaan maadaama oo ay maanta qaateen waxbarashada heerka koowaad.
Mr Ixsaan waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Ugu Horayn waxaan halkan uga hambalyeynayaa ardayda ka qalinjabinaysa Batch-ka lixaad ee Jaamacada Admas iyo waalidiintii iyo macalimiintii ku soo tabaxday, dhamaantiin waxaan idin leeyahay Hambalyo, Waxa aynu maanta u fadhinaa dufcadii lixaad ee qalinjabinta Jaamacada Admas oo ka kooban 416 Arday, kuwaas oo ka qalinjabinaya kuliyadahan soo socda, ICT, Accounting, Economics, Development Studies, Management, Business and Technology, Distance Learning, iyo kuliyado kale.
Mudane Madaxweyne, Jaamacadan waxa lagu bilaabay afar qaybood ama kuliyadood, hadana wada ay marayaan ilaa iyo toban waaxood, waxa xusid mudan in jaamacada Admas ay bilawday sanadkii aynu soo dhaafnay waxbarasho heer post graduate diploma ah oo imika ay simister-kii ama bilihii u dambeeyey ay marayaan, waxa kale oo noo qorshaysan in bilaha soo socda aanu bilawno academic master ah oo manhajkiisu dhamaystiran yahay. Xidhiidhka Caalamiga ah, jaamacadu waxa ay xidhiidh la leedahay ilaa iyo shan jaamacadood oo caalami ah”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Admas Mr Ixsaan.
Waxa kale oo isaguna Madashaasi ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaas oo hambalyo u diray ardayda ka qalinjabisay jaamacada Admas iyo waalidiintii/macalimiintii ku soo tabcay, waxaanu madaxweynuhu ilaahay uga baryey ardaydaasi inay noqdaan kuwii dalka iyo dadkaba anfaca.
Waxaanu Madaxweynuhu intaasi ku daray inay dhalinyaradan ku faanayaan, isla markaana waxa uu ku booriyey inay dedaalka halkaa ka sii wadaan maadaama oo ay yihiin mustaqbalkii dalkan iyo dadkan.
Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, taas oo dhalinyaradii qalinjabinaysay uga digtay qabyaalada waxaanay tilmaantay in qabyaaladu ay barr madow ku noqon doonto hiigsigooda iyo mustaqbalkooda hadaanay ka taxadirin.
Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xaaji C/Kariim Xuseen Yuusuf (Waraabe), kaasi oo madaashi ka soo jeediyey dardaaran iyo duco waayeel, waxaana halkaasi jaamacada Admas markii koowaad ay Xaajiga ku gudoonsiisay Shahaado Sharaf abaal marin ah, iyadoo jaamacadu halkaasi kaga dhawaaqday in Xaajigu uu jaamacada sanad walba ku yeelan doono hal qof oo waxbarasho bilaash ah la siin doono.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sheegay in wixii xukuumada ka dhiman ee qabyo ka ah loo sheego taas oo ay ku jirto danta xukuumadu, waxaanu kula dardaarmay in aanay mucaaridka u arag cadow balse wixii ay ku dhaliilaan ay hagaajiso.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cali Warancade kaas oo madashaasi qalinjabinta kaga hadlay diiwaangalinta madaniga ah ee wasaaradiisu ay ku hawlan tahay, isla markaana tilmaamay in ay u qorshaysan tahay in bisha lixaad qof waloo Somalilander ahi uu yeesho dhalasho.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here