Madaxweynaha Somaliland oo Khudbad Ka Jeediyay Machadka WINEP

0
485

Washington (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa uu maanta khudbad dheer ka jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy.

Waxaana madaxweynaha Somaliland ku marti qaaday xarunta machadkaasi ku leeyahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku guda jira safarkoodii shaqo ee dalka Maraykanka oo galay maalintii koob iyo tobnaad.

Khudbadbadaasi uu madaxweyne Biixi, ka jeediyey Machadka Washington Institute for Near East Policy oo madaxweynaha ku marti qaaday xarunta machadkaasi ku leeyahay Washington DC.

Maalintii Shalay ayay ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu khudbad dheer oo la xidhiidha, xidhiidhka caalamiga ah iyo doorka Somaliland ka jeediyey machadka darasaadka Afrika ee Jaamacadda The George Washigton ee dalkaas Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here