Digniin Adag oo Loo Diray Xildhibaannada Golaha Wakiillada

0
746

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa looga digay inay xarunta Golaha ku qabtaan shirar jaraa’id xilliyada uu Goluhu fasaxa ku jiro.

Qoraal wargelin ah oo lagu socodsiiyey Xoghayaha Guud iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagu sheegay inaanay jiri karin wax shaqo ah oo ay qaban karaan Guddi-hoosaadyada Goluhu ka kooban yahay islamarkaana aanay saxaafadda kula hadli karin Gudaha xarunta Golaha Wakiillada.

Wargelintan oo maanta uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada, Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed islamarkaana tix-raacaysa Amar uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu soo saaray 3-dii bishan March, kaas oo uu ku sheegay inaanay wax shaqo ah qaban Karin Guddi-hoosaadyada Goluhu muddada fasaxa lagu jiro marka laga reebo Guddiga Joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada.

Qoraalka Wargelinta ah oo lagu Dhaqan-gelinayo Amarka uu hore u soo saaray Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa u dhignaa sidan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here