Madaxweynaha Somaliland Oo Bulshada Ku Hambalyeeyey sanadka Cusub

0
925
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2019-ka awgeed, kuna beegan 25-ka bisha Rabiicu-taani, 1440-ka ee sannadka Hijriga uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin.

 Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2019-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni taama.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here