Madaxweynaha Somaliland Oo Bookhday Dadka Yemen Ka Soo Cararay Ee Berbera Ku Sugan + SAWIRRIO

0
743

Berbera, (HargeisaPress) —Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo  oo safar ku jooga Berbera ayaa maanta wuxuu ku booqday xarumaha lagu nasiyo magaalada berbera dadka qaxootiga ah ee ka soo cararay dagaalka yemen .

Madaxweynaha oo qaxoontiga soo dhex maray waxa uu kor u qaaday qaar ka mida caruurtii ku sugnayd kaamka qaxoontiga oo ah kaamka koowaad ee loogu talogalay dadkaasi isugu jira Barakacayaasha Soomaaliya u dhashay ee Somaliland ku qaabishay berbera una sii dhaafin doonto dalkooda hooyo ee Soomaaliya, Somalilandna la jaarka ah iyo sidoo kale Qaxoonti igu jira Ethiopian, iyo Yemen oo iyagu ku sii sugnaan doona Xeryaha Somaliland ugu talogashay barakacayaasha.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee Soomaaliland soo gaadhay aanay shicib iyo dowladuba waxba kala hadhay qaabilaadda qaxootiga jinsiyad kasta .

“Aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa qaxoontiga dalkayaga yimid, ee ka soo cararay dhibaatooyinka, waajib bay nagu tahay oo waa xil na saaran, xil weyna waanu iska saaraynaa inaanu dadka qaxoontiga ah soo dhaweyno, oo u ambabixino guryahoodii wixii aanu u qaban karana u qabano, waxaanu kala hadhaynaana ma jiro, Allena ha inagu garab galo” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

fcc69119bc7879154fe6be9fd1d48cc1_L

wuxuu kaloo madaxweynuhu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah inay taakuleynta looga baahanyahay u fidiyaan dadkaasi sidii ay u gaadhi lahaayeen deeganadoodii .

Soomaaliland ayaa shalay ku dhawaaqday inay dib u fasaxday in qaxootiga somaliyeed ee ka soo qaxaya Yemen ay iman karaan Berbera , iyadoo todobaadkii hore ahayd markii ay joojisay somaliland qaxootigu inay yimaadaan somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here