Majaajilayste Sooraan oo Ku Geeriyooday Magaaladda Burco

0
4501
Majaajilayste Sooraan
Majaajilayste Sooraan

Burco (Hargeisa Press) – Alle ha u naxariistee waxaa magaaladda Burco maanta ku geeriyooday Majaajilayste Sooraan Ismaaciil Sugulle.

Marxuumka wuxuu sidoo kale ahaa Abwaan iyo jilaa ay Soomaalidu aad u daawan jireen muuqaalladiisa.

Sooraan wuxuu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen.

In muddo ah ayuu abwaanku xanuunsanaa, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.

Waxaa la soo tabiyay in Sooraan uu ku dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo la sheegay inuu u geeriyooday maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here