Madaxweynaha JSL Oo Kormeer Iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Mashaariic kala duwan Oo Laga Hirgeliyey Gudaha Magaalada Burco.

0
430

Burco,(HargeisaPress)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo gobolka Togdheer maalintii labaad ku jooga safar shaqo, ayaa maanta kormeeray mashaariic kala duwan oo laga fuliyey gudaha magaalada Burco, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo laga hirgeliyey goobo muhiim u ah adeegga dadweynaha reer Burco.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeeray  qaar kamid ah xarumaha muhiimka ah ee xukuumaddu ku leedahay magaalada Burco oo ay kamid yihiin xafiiska guddoomiyaha gobolka, dawladda hoose ee Burco, xafiisyada wasaaradaha waxbarashada iyo horumarinta maaliyadda, cusbitaalka guud ee Burco, xarunta wakaaladda Biyaha ee Burco iyo goob ganacsiyeed casri ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Burco oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay bulshada ugu adeegaan xafiisyada dawladda ee magaaladu, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumahaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas kusoo dhaweeyey.

Masuuliyiinta xarumaha uu madaxweynuhu booqday, ayaa ka warbixiyey shaqooyinka maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, qorshahooda mustaqbal iyo caqabadaha deriska la ah, waxana ay madaxweynaha ugaga mahadnaqeen taageerada niyadsamida leh ee uu  la garab taagan yahay, isaga oo  madaxweynuhuna dhinaciisa ku dhiirrigeliyey masuuliyiinta inay sii laban-laabaan shaqada ay bulshada u hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here