Maayarka Laascaanood Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Caafimaad

0
617

Laascaanood (Hargeisa Press): Maayarka degmada Laascaanood ayaa xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyey xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, taas oo qayb ka qaadan doonta adeegyada caafimaadka ee gobolka Sool.


Waxaana xadhig ka jarka xaruntaas ka qayb galay maayarka Laascaanood, taliyaha qaybta ciidanka booliska, guddoomiyaha gobolka Buuhoodle, madaxdhaqameed, bahda caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadashay Drs. Idil Maxamed, oo ah mulkiilaha iyadu hirgelisay xaruntaas caafimaad waxayna u mahadcelisay dadkii ka soo qayb galay xadhig ka jarka xaruntaas, iyada oo sheegtay in ay wax ku soo baratay dalka dibadiisa in badana ay ka shaqeynaysay caafimaadka, waxayna intaas raacisay in ay dalka dib ugu soo laabatay si ay ugu adeegto bulshadeeda.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay xubno isugu jiray cuqaal, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin, oo soo dhaweeyey xaruntaas caafimaad ee laga daahfuray Laascaanood, oo ay sheegeen in ay waxweyn ku soo kordhin doonto dhanka adeegyada caafimaadka ee magaalada Laascaanood, waxayna illaahay uga baryeen mulkiilaha furay xaruntaas inuu u barakeeyo.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay maayarka deg,mada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, guddoomiyaha gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi iyo garaad Jaamac garaad Ismaaciil, oo soo dhaweeyey xarunta Idil medical Center, ee laga hirgeliyey Laascaanood, iyaga oo bogaadiyey Drs. Idil Maxamed oo iyadu hirgelisay xaruntaas, waxayna bulshada gobolkaas u soo jeediyeen in ay ka faa’iidaystaan adeegyada ay xaruntaasi u soo kordhisay oo ay sheegeen in awal hore ay u aadi jireen meelo ka baxsan gobolka Sool.


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY