Madaxweynaha Jabuuti oo War Ka Soo Saaray Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

0
410

Djibouti (Hargeisapress)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliya iyo dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid guddoomiyehii gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku  timid guddoomiyihii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu  tacsiyeynayaa dowladda federaalka oo uu u horreeyo madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo” ayaa lagu yidhi qoraal  ka soo baxay xafiiska Maxaweyne Geelle.

“Haddaan nahay walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay  garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yidhi  qoraalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku  tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay  nabadeynta iyo horumarka Gobolka Banaadir.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here