Madaxwayne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Ganafka Ku Dhuftay Soo Jeedin Loola Tagay Oo Ah In Golaha Guurtidu U Samayso Muddo Kordhin Labaad

0
877

Hargeysa, (HargeisaPress) —iyada oo mudooyinkii danbe ay isa soo tarayeen wararka sheegaya suurtogalnimada in muddo kordhin labaad loo sameeyo madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici ayaa warar soo baxayaa waxay sheegayaan in madaxwayne Siilanyo ganafka ku dhuftay soo jeedin muddo kordhineed oo loola tagay.

 

Warar uu geeska Africa helay ayaa sheegya in odayaal kala duwan oo saamayn ku leh talada madaxtooyadda ay madaxwayne Siilaanyo ula tageen asoo jeedin ah in loo sameeyo muddo kordhin,iyaga oo sheegay inay dhinacooga hayaan qodobada ay u cuskanayaan muddo kordhintaas.

 

Hase’yeeshee sida wararku sheegay madaxwayne Siilaanyo ayaa ku gacan saydhay soo jeedinta ay shakhsiyaadkani ula yimaadeen,waxaanuu u sheegay inaanu diyaar u ahayn in markale loo sameeyo muddo kordhin ,isaga oo xusay inuu diyaar u yahay in doorashada madaxtooyadda la qabto wakhtiga loogu tala galay,balse xiisadda saami qaybsiga darteed dib loogu dhigo doorashada golaha wakiiladda Somaliland.

 

Wararku wuxuu sheegay in dhinacyaddii madaxwaynaha ula tagay so jeedintani ay madaxwayne Siilaanyo kaga amba  baxeen go’aanka uu u dhiibay oo uu u cuskaday dhawr qodob oo muhiim ah.

 

Madaxwayne Siilaanyo ayaa dhawr goor si cad u balan qaaday inuu doorashada madaxtooyadda wakhtigeeda ku qaban doono gaar ahaana doorashadii ku beegnayd 2015 balse taas ayaaan dhicin,waxaana taas badalkeeda dhacday in golaha guurtidu mauddo kordhin u sameeyeen.

 

Laakiin waxii ka danbeeyey muddo kordhintaas,saddex munaasibadaas ayaa khudbad uu ka akhriyay wuxuu madaxwayne Siilaanyo ku balan qaaday inaanay muddo kordhin labaad imaan doonin.

 

Muddo kordhintaas hore ee loo sameeyey madaxwayne Siilaanyo waxaa dalka kasoo gaadhay dakharo siyaasadeed oo iskugu jira gudaha iyo dibadda.Waxaana la ogyahay in dhaawacyaddaas ay kamid yihiin xafiisyo ay leeyihiin hay’addo caalami ah oo dimuqraadiyadda Somaliland taageera oo dalka iskaga guuray.

 

Wargeyska Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here