Madaxtooyad Iyo Wasaaradda Khaarajiga Oo Weli Ka Aamusan Baaqii Beesha Caalamka

0
1072
Aqalka Madaxtooyadda Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxtooyada Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin war-murtiyeed culus oo ay dalalka beesha caalamku kaga jawaabeen dib u dhigistii doorashada.

War-murtiyeedkaas, ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee ay dalalka Somaliland taageeraa soo saareen, waxaanay sheegeen inaan abaarta laga dhigan cudur daar dib loogu dhigo doorashooyinka, iyagoo golaha guurtida iyo maxkamadda sare ugu baaqay inay go’aankaas dib u eegis ku sameeyaan si aanu u saamayn wada shaqaynta beesha caalamka iyo xukuumadda Somaliland.

Hase yeeshee, madaxtooyada Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin dhambalkaas oo ay dalalkani soo mariyeen warbaahinta islamarkaana ku baahiyeen barta ay wasaaradda arrimaha dibadda Denmark ku leedahay Internetka. sida an ka soo xiganay Wargeyska Geeska Africa.

Geesta kale, wasaaradda arrimaha dibadda ayaan iyaduna wax jawaab ah ka soo saarin qoraalka dalalka Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here