Madaxda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Hay’addaha, Shirkaddaha iyo Ururada + SAWIRRO

0
919

Hargeysa, (HargeisaPress) — Masuuliyiinta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Shirkaddaha, hay’addaha iyo Ururada. Kulanka ayaa lagu lafo gurayay arrimaha shaqo abuurka iyo horumarinta Shaqaalaha Somaliland.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlaya sidii loo xaqiijin lahaa inaan shaqooyinka wadanka ee Muwaadiniintu qaban karaan aanay qaban dad ajaanib ah, qorshahaasi oo ay wado wasaaradda shaqada.

Shirkan oo ay ka Soo qayb galeen ugu yaraan 100 xubnood oo ka kala socda Shirkadaha qaybahooda kala duwan, Warshadaha, Hayadaha Samafalaka , iyo dhamaanba qaybaha kala Duwan ee Shaqo abuurka, waxaanu ku qabsoomay qolka shirarka ee wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada.

cadnan qoyska

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa ka soo qayb galeyaasha kala hadlayay:

1. Arrimahaa SHAQAALAHA ajenibiga ee hayadahooda ka shaqeeya sidii loo diiwaan galin lahaa , loona xaqiijin lahaa in shaqo muwaadin qaban karo in aan Cid kale qaban.

2. Siyaasadda kobcinta Shaqo abuurka Dhalinyarada.

3. Arrimaha xidhiidhka Shaqaaalaha iyo loo shaqeeyaha Guud ahaanba.

4. Dib u- eegista Xeerka Shaqada ( Labour Code)

5. Kor u qaadidda qaabka wadashaqaynta iyo xidhiidhka wasaaradda Shaqada iyo loo shaqeeyaha.

Dhinacyada kulankani u dhexeeyay ayaa isku afgartay arrimaha la falanqeeyay, Waxaana la dhigtay Qorshe hawleed Mudaysan, sidii loo xaqiijin lahaa in dhamaanba hawlihii laysla qaatay u fulaan.

Wasiirka Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada Somaliland Dr Cabdi Awdaahir Cali, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shaqaaluhu yahay halbowlaha horumarka dalka. Waxa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii shaqaalaha kor loogu qaadi lahaa islamarkaana hoos loogu dhigi lahaa shaqo la’aanta.

qoyska

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here