Sepp Blatter oo shaaciyay inuu iska casilay xilkii Xidhiidhka Kubadda Cagta ee FIFA

0
945
Sepp Blatter celebrates after his re-election as Fifa president. Photograph: Michael Buholzer/AFP/Getty Images

Zurich, (HargeisaPress) —Guddoomiyihii Toddobaadkii Hore loo Doortay Xilka Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA markii Shanaad, Sepp Blatter ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka.

Blatter oo 79-jir ah ayaa Jimcihii la soo Dhaafay loo doortay markii Shanaad inuu sii hayo xilka ugu sarreeya FIFA ayaa isku casilay Fadeexado musuqMmaasuq oo dhaawacay sum-caddii Xidhiidhka FIFA.

Is-casilaadiisa ayuu Sepp Blatter kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Zurich iyadoo ay kusoo beegmay markii FBI-da Mareykanka ay Weerareen Hoteello ku yaalla Zurich, halkaasoo ay ka xidhxidheen saraakiil ka tirsan FIFA.

Fifa_election

Sepp Blatter ayaa sheegay in dhawaan la Qaban doono kulan aan caadi ahayn oo mar kale lagu soo dooran doono qofkii isaga bedeli lahaa.

Joseph Blatter ayaa 17 sano ahaa madaxweynaha FIFA, iyadoo baaqyo ka imaanayay qaar ka mid ah madaxda xiriirada ay Blatter ku booriyeen is-casilo kaddib markii ay soo baxeen fadeexadaha dhaawaca gaarsiiyay Xidhiidhka.

Jimcihii ayay ahayd markii Blatter uu kaga guuleystay 133-cod murashaxii la tartamayay ee Cali Bin Al-Xuseen oo helay 73-cod, kaas oo ku Dhawaaqay in uu ka haray Tartanka wareeggiisa labaad.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here