Madaxa Ollolaha Xisbiga WADDANI Oo Gobolka Gabiley Kaga Awood Roonaadey Wasiirka Warshadaha Somaliland Iyo Xukumada Oo La Filayo Inay Qaado Talaabo Ay Kaga Hor Tagayso.

2
1249
Shucayb Maxamed Muuse iyo Xamse Khayre

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxa ollalaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xamse Khayre oo ah Nin dhalinayaro aad u fir-fircoon kana soo jeeda Gobolka Gabiley, ayaa waxa tan intii uu gudoomiye Cirro u magacaabay madaxa Ololaha xisbiga WADDANIw axa uu xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uga soo hooyey gobolkaasi taageerayaal aad u tiro badan.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa kaga awood roonaadey guud ahaan Shacbiyadii gobolka Gabiley Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo ay isku Jufo hoose ka soo jeedaan, iyadoo  mudooyinkii ugu dambeeyey si wayn gobolka Gabiley iyo Deeganaada Hoos yimaada looga dareemaayay dhaq dhaqaaqiisa siyaasadeed ee dhinaca ollalaha ee uu Madaxa Olalaha xisbiga Waddani ka wado gobolka .

Wasiir Shucayb oo mudooyinkii ugu dambeeyey isku dayayey in uu ka hor istaago dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee uu Gabiley ka wado Xamse Khayre si uu usii xajisto booskiisa Wasiirnimo oo ah wasiirka Warshadaha Somaliland,waxaana uu ku guul daraystey arintaasi isku dayo badan oo uu ku joojinaayay aaney u suuro galin awgeed.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee xisbiga WADDANI Xasan Axmed Aadan (Dhagjar) ayaa sidoo kale isaguna dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee uu ka wado gobolka laga dareemayaa isaga oo kaga awood roonaaday kasbadashada shacabka Gabiley.

Xukumada Somaliland iyo xisbiga KULMIYE, ayaa inta badan ku xisaabtamaya codadka ugu badan in ay Gobolkaasi ka helaan, balse waxa ay mudooyinkii ugu dambeeyey si wayn uga war heleen in ay faro madhan ka taagan yihiin taageeradii ay isku halaynayeen Deegaanada gobolka Gabiley iyadoo la filaayo in talaabo deg dega xukumadu ka qaado.

Wasiir Shucayb Maxamed Muuse oo hore u soo noqdey Maayar degmada Gabiley ayaa waxa ay bulshada reer Gabiley siyaasadiisa barteen intii uu ahaa maayarka, xiligaasi oo aanay shacaka Gabiley mahadin qaabkii uu u shaqayn jirey isla markaana  aan degmada ka hir galin hal mashruuc oo lagu xusuusan doono.

Gunaanadkii Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo sameeyo isku shaan dhayn sal balaadh ah oo loo badinaayo in ay galaafato wasiirka wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here