Maayarka Hargaysa Oo Ka Digay Mudaharaadka Cirro Ku Baaqay

0
745

Hargaysa (HP): Maayarka caasimadda Hargaysa ayaa ka digay in wixii dhibaato ah ee ka yimaadda mudaharaadka uu ku baaqay guddoomiyaha xisbiga Waddani in uu isagu dusha u ridan doono wixii dhibaato ah ee ka dhalata.

C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxa uu sheegay in in aan caasimadda looga baahnayn mudaharaad rebshado keena iyo dhibaato khasaare soo gaadhsiisa hantida bulshadda.

Waxaanu tilmaamay in cidii doonayso in ay mudaharaad salmiya samayso  ay u soo marto dariiqa sharciga ah.

Maayarka Hargaysa oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday guddoomiyaha Waddani in uu ka noqdo mudaharaadka uu ku baaqay, haddii kale khasaaraha ka dhasha uu isagu masuuliyadiisa qaadan doono.

Halkan Ka Daawo C/raxmaan Soltelco Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here