Guddoomiyaha Waddani Oo Taagereyaashiisa Ugu Baaqay Mudaharaad

0
516

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ugu baaqay taageereyaashiisa gobolka Maroodijeex in ay berito mudaharaad isugu soo baxaan xarunta xisbiga ee Hargaysa.

C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), waxa kaloo uu ka jawaabay hadalkii shalay ee madaxweyne Muuse Biixi, ee la xidhiidhay in xeerka lagu soo xulayo xubnaha guddiga doorashooyinka uu isagu saxeexay.

Guddoomiyaha Waddani oo maanta warbaahinat kula hadlay gurigiisa magaaladda Hargaysa, waxa uu madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu ku tuntay shuruucdii dalka.

Waxaanu madaxweynaha ku dhaliilay in aanu xog ogaal u ahayn dastuurka iyo xeerarka dalka, isla markaana aanu isagu saxeexin xeerkaasi.

Isagoo sheegay in xeerkaasi lagu soo xulayo xubnaha komsihanka doorashooyinka ee xeer LN. 20/2001, ay golihii Wakiiladu ansixiyeen sanadkii 2001-dii, isla markaana uu madaxweynihii xiligaasi ALLE ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal saxeexay.

Waxa kaloo C/raxmaan Cirro uu shirkiisa jaraa’id  kaga hadlay arrimo kale oo ku tacaluqa xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Cirro:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here