Maayarka Cusub Ee Hargaysa Oo Xilka Kala Wareegay Maayarkii Hore

0
501

Hargaysa (HP):  Maayarka cusub ee caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed  Mooge, ayaa maanta xilkii kala wareegay maayarkii hore C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), kadib muddo sideed sanadood ah oo uu xilkaasi hayay.

Xil wareejinta maayarka cusub ee Hargaysa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka hawlaha guud, wasiirka waxbarashadda, wasiir ku-xigeenka xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga,

Badhasaabka gobolka Maroodijeex, taliyaha ciidanka dab-demiska, maayarkii hore iyo ku-xigeenkii hore, iyo xubnihii goalah deegaanka Hargaysa ee hore, xildhibaano ka kala tirsan goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda Somaliland.

Maayarka cusub ee Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, oo khudbad dheer ka jeediyay xafladii uu xilka kula wareegayay ayaa sheegay in ay doonayaan in ay soo celiyaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay Hargaysa lahayd.

Wuxuu dar-daaran u jeediyay qaybaha kala duwan ee dadweynaha Hargaysa, kuwaasoo uu kula dar-daarmay in qof kastaba laga rabo in uu gurigiisa hortiisa ka bilaabo nadiifinta.

Maayarka ayaa khudbadiisa kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen qorshihiisa uu ku doonayo sidii loo horumarin lahaa caasimadda Hargaysa, iyo meelaha ay ka duulayaan.

DAAWO: KHUDBADII MAAYAR MOOGE:

 

Dhinaca kale waxaa isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay maayarkii hore ee caasimadda Hargaysa C/raxmaan Soltelco, oo ka sheekeeyay waxyaabihii kala duwanaa ee u qabsoomay mudadii 8 sanadood ahayd ee uu xilka maayarnimadda Hargaysa hayay.

 

Daawo: KHUDBADII SOLTELCO:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here