Maayarka Caasimada Hargeysa Oo abaal Marino gudoonsiiyey arday kaalmaha hore ka gashay Tartan xifdiga quraanka kariimka ah + SAWIRRO

0
827

Hargeysa, (HargeisaPress) — Munaasibada ardaydan abaal marinaha lagu gudoonsiinayey oo ka qabsoontay Masaajidka weyn ee Cali Mataan ee Badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka mid ahaayeen wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco,xoghayaha fulinta dawlada hoose, iimaamka masaajidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Muxumed, hogaanka jamciyada quranka kariimka ah iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha jamciyada quraanka kariimka ah Sheekh Cabdiqafuur Aadan Cumar oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka war bixiyey tartanka cidii ka qayb gashay iyo sidii uu u dhacay waxaanu yidhi “Tartan quraan ayuu ahaa waxaanu bilaabmay laba wiig ka hor, waxaana ka qayb galay arday tiradoodu tahay 410 arday oo iskugu jira hablo iyo inamo, waxaana ay ardaydoodu ka qayb gashay 80 madarasood oo ku yaala magaalada Hargeysa, wareegii koobaad waxa soo baxay 87 arday ugu danbayntiina waxa abaal marinaha ku guulaystay 12 arday, iyada oo dedaalka ardayda oo aad u balaadhnaa lagu kala baxay wax aad u yar, waxaanay ardaydu tartanka quraanka u galeen si dhiiran oo kalsooni ku dheehan tahay, waxanan ilaahay ka rajaynaynaa inuu noqdo tartan bilaw ah oo ay dawlada hoose-na noo sii wado, dhiiri gelinta quraankuna waxay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan ee u calaamadsan jamciyada quraanka kariimka, waxaanan aad ugu mahad naqayaa maayarka caasimada iyo masuuliyiinta dawlada hoose oo iska xil saaray  sidii uu tartankani u noqon lahaa mid hir gala.”

maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo Arday Gudoonsinayaa Hadiyad
maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo Arday ka mida Ardaydii Tartanka Gudoonsinaya Hadiyad

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay  maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco  kaas oo balan qaaday inay sii wado doonaan maal gelinta tartanada quraanka kariimka ah waxaanu yidhi “Maanta farxad weyn ayey ii tahay inuu tartankani halkan ka qabsoomo, qofku marka uu dhameeyo quraanka kariimka ah  waxay dhiiri gelinaysaa ardayda danbe, dawlada hoose way sii wadaysaa tartanka inta ilaahay na gaadhsiiyo, sanad walba waanan qabanaynaa wixii aanu maanta ku bixinay laban laabkeedna waau bixinaynaa, waxaanay noqon doontaa mid sanad kasta lagu daro kharashaadka dawlada hoose.”

Sidoo kale maayarka caasimadu waxa uu dardaaran la xidhiidha nadaafada u jeediyey ardayda ka qayb gashay tartanka waxaanu yidhi “Waxaan ardayda farayaa in sida ay u qurux badan yihiin ee guryaha ay ka soo tooseena u qurux badan yihiin inay waalidiinta u sheegtaan inay waajib inaga saaran yahay inay waddooyinkuna sidaas u qurux badnaadaan oo dhulka banaan sidaas u qurux bato, qashinka guryaha laga soo saarayna aan wadooyinka la dhigin oo aan la raacin biyaha roobka.” Ayuu yidhi maayarka caasimadu.

 

Wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ugu danbayntii ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad naqay masuuliyiinta dawlada hoose ee maal galisay tartanka quraanka kariimka ah waxaanu yidhi “Waxaan ilaahay uga baryayaa maayarka,xoghayaha iyo golaha deegaanka caasimadaba inuu ilaahay barakeeyo dariiqan ay bilaabeena ay ku dayan doonaan maayarada kale oo uu gaadhsiin doono, waana in dawlad hoose oo kastaaba ay tartano noocan ah u qabato ardayda cashuurta ay dadka ka qaadayaana  aanay kaga fikirin oo kaliya in daaro iyo wadooyin loo dhisee ay ku daraan in qalbiyada la dhiso, iyada oo ay  dawlada hoose ee caasimaduna dhisto madarisado badan, masaajido badana gacanta ku hayaan.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay iimaamka masaajidka weyn ee Cali Mataan iyo Suldaan Cabdiraxmaan Good kuwaas oo ka waramay faa,iidooyinka balaadhan ee laga helayo in la qabto tartanada noocan oo kale ah, mahadnaq balaadhana u jeediyey masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

Ugu danbayntiina maayarka caasimada Hargeysa ayaa munaasibadan abaal marino kala duwangudoonsiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankan quraanka kariimka ah ee ay maal galisay dawlada hoose ee caasimadu.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here