Maareeyaha Madbacadda Qaranka Oo Ka Hadlay Nabadaynta Ceel-Afweyn

0
554

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maareeyaha madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raage, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan cid kastoo ka shaqaynaysa isku soo dhawaynta iyo nabadaynta beelaha colaadu u dhaxayso ee Ceel-Afweyn.

Maareeyaha ayaa digniin u diray xubno uu ku eedeeyay in ay ku hawlan yihiin sidii aan nabad looga dhaliyeen beelaha colaadu u dhaxayso ee Ceel-Afweyn.

Maxamuud Raage, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kaloo uu sheegay in aan loo baahnayn in la carqaladeeyo waan-waanta nabadeed ee laga dhex waddo beelahaasi.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Maareeyaha Madbacadda Qaranka:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here