Hargeysa: Tababar loo Furay Qaybta IT-ga ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland+ SAWIRRO

0
530

Hargeysa(HargeisaPress)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Mukhtaar Maxamed Cali ayaa tabobar  u furay Qeybta IT-ga ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Tabobarkan uu Agaasimaha guud ee Warfaafintu  ka furay xarunta wasaaradda ayaa ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta qaybta IT-ga ee wasaaradda, waxaana  halkaasi ka hadlay Dr Caydaruus Maxamed Ismaaciil oo ka tirsan Akaadamiga Cilmi oo isagu tabobarkan bixinayey, waxaannu ka warramay muhiimada uu tabobarkani u leeyahay shaqaalaha wasaaradda.

Xuseen Cali Nuur oo isna goobtaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey tabobarkan,waxaanu kula dardaarmay shaqaalaha tabobarkan qaadanaayey in ay la socdaan isbeddelka dhinaca Tignoolajiyadda ee caalamka ka socda.

Geesta kalena, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Jaamac Cawil ayaa isna sheegay in qaybtan IT-ga ee wasaaraddu tahay qayb laf dhabar u ah wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaanu tilmaamay in ay waqtigan ka gudbeen ka wasaarad ahaan habkii Xaadirista  ee hore loo isticmaali jiray una gudbeen in shaqaalaha lagu xaadiriyo Finger Printer-ka xaadiriska goobaha shaqo loo isticmaalo.

Waxa isna goobtaas ka hadlay ku simaha Madaxa qaybta IT-ga ee wasaaradda Warfaafinta, Maxamed  Saleebaan Muxumed oo ka warbixiyey muhiimadda uu tabobarkani u leeyahay shaqaalaha qaybta IT-ga ee Wasaaradda.

ugu dambayn,  Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Mukhtaar Maxamed Cali oo tabobarkaasi furay ayaa shaqaalaha tabobarkan qaadanayey ku booriyey in ay ka faa’iidaystaan aqoonta lagu tabobarkaas, waxaanu tilmaamay in ay ka maamul ahaan qaateen siyaasadda ah in ay dhisaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, tabobarkanina uu qayb ka yahay siyaasadaasi ay ku dhisayaan shaqaalaha Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here