Maamulka Shirkadda Dahabshiil Group Oo Guud ahaan Shacbiga Somaliland u diray Hambalyo Xuska 18-May

0
894

Hargaysa , (HargeisaPress) — Maamulaha  Shirkadda Dahabshiil Group ayaa Bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay xuska sanad guurada 24aad maalinta qaranimada Somaliland 18-ka May ee Bari.”Waxaan shacbiga Somaliland u diraynaa hambalyo ku wajahan munaasibaddan qaaliga ah, waxaana aanu eebe uga rajaynaynaa inay  Somaliland xuskan xuskiisa ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo taam.

sidaasi  waxa ay ku sheegeen Maamulku  Shirkadda Dahabshiil Group qoraal koobana oo ay soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah warbaahinta kaasi oo u qornaa sidan :

 

“Anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha iyo magacaygaba waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisaba gaar ahaan reer Hargeysa  munaasibadda xuska 24 guuradda ka soo wareegtay  dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland oo ku beegan maalinta bari ee 18-ka bishan May.

Sidoo kale Maamulahu  waxa uu  ugu duceeyey guud ahaan shacbi-weynaha Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay ku noolyihiin inay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan Bash-bash ,barwaaqo iyo munaasibadda xuska 18-ka May.

waxa uu ugu baaqay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolada dalku  inay diyaar garaw balaadhan u galaan xuska munaasibada 18-ka may oo caawa ilaa bari loo dabaal dagayo.

Dhanka kale waxa uu maamulahu  ku dardaaray inay ilaaliyaan nabad galyada isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan wixii wax u dhimaya nabad galyada wakhtiyada lagu gudo jiro munaasibadaha loogu dabaal dagayo xuska 18-ka May.ee ka wareegtay  dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland oo ku beegnayd maanta

Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland ayaa waxa ka socda diyaar garaw balaadhan oo loogu jiro xuska 18-ka May, oo la filayo in sanadkan si balaadhan loo xuso, iyada oo masuuliyiinta qarankuna ay diyaar garaw balaadhan ugu jiraan sidii ay shacabka Somaliland ugala qayb gali lahaayeen munaasibadaha dabaal dega xuska 18-ka May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here