Maamulka Dekeda Berbera Oo Amaro Culus Dul Dhigay Maraakiibta Iyo Doonyaha Ka Yimaada Dalka Yemen+Sobobta

0
776

Berbera,(HargeisaPress)—Qoraal Amar Ah Oo Kasoo Baxay Maamulka Dekeda Berbera ayaa Awaamiir culus lagu faray Wakiilada  Maraakiibta iyo doonyaha Kusoo Xidha Dekeda Berbera.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Maamulka Dekeda Berbera ayaa Si Gaara Amarkan Loo dul dhigay Maraakiibta Iyo Doonyaha Ka Yimaada Dalka Yemen Iyaga oo la Xidhiidhiyay Arimo Abni.

Arintan Ayaan La Garanayn Sobobta xukuumada Somaliland wakhtigan usoo saartay iyadoo kusoo  Beegmaysa Xili xaalada Bariga dhexe ay ka taagan yihiin Hirdan culus oo U dhexeeya Maraykanka Iyo Xulufadiisa ay hormuudka ka yihiin Sucuudiga Iyo Dalka Iiraan, kadib dilkii Generalkii Reer Iiran ee lagu dilay dalka Ciraaq Qasum Sulayman.

Dhanka kale Awaamiirtan Sida gaarka loo dul dhigay Maraakiibta iyo doonyaha ka yimaada Dalka yemey ayaa la Sheegay in ay hordhac utahay Qodobadi Kasoo baxay shir ay Magaalada Riyaad ee dalka sucuudiga ku yeesheen Wasiirada arimaha dibada ee wadamada kulaala Badda Cas iyo Gacanka cadmeed oo ay somaliya matalaysay biyo badeedka somaliland Taasi oo danaha laga leeyahay ay tahay xooginta xulifada sucuudiga balse somaliland ku noqonaysa dhabar jab dhaqaale maadaama isha kaliya ee xoolaha somaliland tagaa ay tahay Dalka yemen.

Xukuumada Somaliland ayaan la garanayn sobobta ay Talaabadan uqaaday Go,doonka Galinaysa Isha kaliya ee Ganacsatada Somaliland xoolaha ugu dhoofiyaan.

Xukuumada madaxwayne bixi ayaa  markale kasoo Horjeedsatay Isbahaysiga Bada cas ee Masiirka badeeda cidkale ku matalayso,

xogaha Laga Helayo Sobobta keentay Wakhtigan in maamulka Dekeda Berberi Si Gaara u Bartimaameed sadaan Maraakiibta Iyo Doonyaha Ka Yimaada dalka yemen Ayaa sheegaya In ay Tahay mid  maamulka dekedu ku fulinayaan Awaamiir iyo Talaabooyin  wadamo Shisheeya oo ku hawlan sidii sayladaha caalamka looga joojin lahaa xoolaha Somaliland si toosa ay ganacsatadeedu ugeeyaan taasi oo dhaawac ku ah ganacsada reer Somaliland iyo samcada Marsada Berbera.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Wasaarada ganacsiga oo iyadu shaqo ku leh arimaha ganacsiga iyo fulintada siyaasada ay xukuumada madaxwayne biixi ka leedahay Ganacsiga xorta ah Iyo xoolaha Somaliland u helilahaayeen saylado caalamka ka.

Waxaana laga war sugu doonaan talaabada ay wasaarada ganacsigu kaga fal celiso arintan;

HALKAN KAGA BOGO QORAALKA KASOO BAXAY MAAMULKA DEKEDA BERBERA IYO NUXURKA UU XANBAARSAN YAHAY.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here